Shacabkii ay dhaawaceen ciidamada Somaliland ee Laascaanood oo qaarkood dhinteen & Wararkii u dambeeyey

LAASCAANOOD(P-TIMES)- Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in rasaas xoog leh laga maqlayo gudaha magaalada, waxaana ilaa hadda la xaqiijiyey dhimashada 1 qof oo shacab ah, baabuur ayaa isku dhacay oo ay lahaayeen ciidamada Somaliland.

Ilaa hadda waxaa la xaqiijiyey in la dhaawacay labo kamid ah ciidamada Somaliland, waxaana la xaqiijiyey in sadex maleeshiyaadkas ah ay gacanta ku dhigeen shacabku oo ay jirdil xoog badan u geysteen.

Maleeshiyada Somaliland ayaa saaka dib loogu celiyey gudaha Laascaanood, ujeedada ugu weyn ayaana ah in ay cabsi galiyaan Shacabka oo ay cabsi ka qabaan in ay berrito ku banaanbaxaan shaqsiyaadka maamulkaas taabacsan ee kusugan magaalada Laascaanood.

Xaaladda ayaa kacsan, shacab hubeysan ayaa banaanka u soo baxay waxayna dadku doonayaan in ay xoriyadooda muujiyaan oo ay ka soo horjeedaan maamulka Hargeysa ee doonaya in ay xoog ku joogaan magaalada.

Leave a Comment