WAR DEG DEG AH: Xeer Ilaalinta Puntland oo amartay in lasoo xiro Xisaabiyihii Wasaaradda Maaliyada ee G Mudug,

GAROOWE(P-TIMES)- Xeer Ilaaliyaha guud ee dawladda Puntland ayaa ku dhawaaqay in lasoo qabto Xisaabiyihii hore ee Wasaaradda Maaliyada gobalka Mudug Barkhadle Aaden, oo uu sheegay in uu dhacay Hanti ay leedahay dawladdu, gaar ahaana ka dhacay Wasaaradda Maaliyada ee gobalka Mudug.

Shir jaraa’id oo uu goor dhaw qabtay Xeer Ilaaliyaha ayaa lagu amray laamaha Amaanka in ay soo qaban-karaan Barkhadle meel kasta oo uu kusugan yahay,waxaana ay sheegayaan wararku in uu ka baxsaday dalka.

Laanta Garsoorka ayaa eedda ay jeedisay waxaa ka horeeyey hadalo ay saxaafadda isku dhaafsaden Xisaabiyihii hore ee hadda la raadinayo & Wasiirka Maaliyada oo la xariirtay arrimo musuqmaasuq.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.