WAR DEG DEG AH:Dowladda Puntland oo ku dhawaaqday dagaal cusub & Digniin loo diray Jeegta Iyo Dowladda Federaalka Somalia

GAROOWE(P-TIMES)- War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Puntland ayaa lagu sheegay in Puntland ay ogeysiinayso una sheegayso dowladda federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamkaba in hor joogayaha maamulka Jeegaantu uu wado diyaar garow dagaal iyo is abaabul xoogan si colaad hor leh ay uga dhacdo gobolka Sool oo kamid ah gayiga Puntland. RIIX HALKAN OO KA AKHRISO WARKAAS OO DHAN

Dowladda Puntland ayaa mar kale cadaysay in dowladda federalka Somaaliya aysan wax kaalin ah ku lahayn howlgalka ciidanka difaaca Puntland ee ay ku difaacayaan dhulkooda isla markaasna ay kaga hortagayaan duulaanka qaawan ee ay soo qaadeen malayshiyaadka Jeegaantu, waxaana qoraalkani lagu sheegay in dowladda Soomaaliya aysan geli karin gor gortan iyo wada hadal isku tanaasul ah si xal loogu helo xiisadaha deegaanka Tukaraq.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.