WARBIXIN+XOG: DHAMBAAL aan farxad galin M/weynaha Somaliland oo uu ka helay Isimadda, Waxgaradka & Shacabka Gobalada SSC, kuna qasbaya LABO DARAN MID DOORO!

HARGEYSA(P-TIMES)- Madaxtooyada Somaliland waxay heshay Dhambaal aysan si ku faraxsaneyn, markii 48 saac ee lasoo dhaafay ay baddi Isimadda, Waxgaradka, Siyaasiinta iyo Shacabka gobalada Sool, Sanaag & Caynba ay ku dhawaaqeen sidda ay uga soo horjeedaan damaca Xukuumada Muuse Biixi Cabdi ee ah sheegashada gobaladaas, waxayna si cad u cadeeyeen in aysan waxba ku darsan, diyaarna u aheyn ka mid noqosho maamulka Hargeysa.

Dhambaalkan ayaa ahaa mid aan farxad galin Muuse Biixi Cabdi oo ay hadda ciidamadiisu ku jiraan deegaanka Tukaraq oo kutaala xaduudaha ay wadaagaan gobalada Sool & Nugaal, halkaasna uu ka dhacay labo dagaal oo khasaare xoog badan uu ka dhashay.

Isimadda gobalada Sool & Cayn oo horey loogu eedeyn jiray in ay la kala safan yihiin Puntland & Somaliland, waxayna si rasmi ah daaha uga rogeen garab istaaga Puntland, waxayna si aan ka leex-leexad laheyn u cadeeyeen in ay doonayaan Midnimada Soomaaliya.

Warka gaaray Madaxtooyada Hargeysa wuxuu keenay in canaan iyo hanjabaad loo jeediyo qaar kamid ah Wasiiradda, Xildhibaanada & Afhayeenka baarlamaanka Somaliland oo dhamaantood ka soo jeeda deegaanadaas, waxaana si cad loogu sheegay in haddii aysan keenin taageerada Isimadda qaarkood ay halis galin doonaan xaaladooda.

HALKAAN KA DAAWO MADAXWEYNE KUXIGEENKA PL OO LAGU WAREEJIYEY CIIDAN FARA BADAN

Hanjabaadaas ka sokow, Isinkii ugu dambeeyey ee Somaliland la sheego in uu taageero u hayay oo ahaa Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, garaadka Beesha Jaamac Siyaad ayaa si rasmi ah shaaca uga qaaday in ay Somaliland ciidamadeeda ugala baxdo gobalka Sool 24-ka saac ee nagu soo wajahan.

Taasi waa dhiilo kale oo aysan horey u qorsheysan Madaxtooyada Somaliland, waxaana xaaladda hadda taagan ay Somaliland qasab uga dhigaysaa labo mid in ay qaataan, labadaas oo tii ay u dhaqaaqdaaba uu kasoo gaari doono jab oo siyaasadeed, waxayna kala yihiin in ay dagaal la gasho Puntland oo matalaysa bulshadaas iyo In ay ciidamadeeda kala baxdo dhulka deegaanada Hartiga.

Ma muuqato fursad Madaxweynaha Somaliland uu ku qaadanayo go`aan lagu baajiyo dagaal, wuxuuna wali doonayaa in ay ciidamadiisu ku dagaalamaan dhulka laga diidan yahay, taas oo ka dhigan in uu mari doono mid kamid ah Imtixaanada ugu adag ee Hogaamineed, dagaal dhacaana waxaa la rumeysan yahay in uu kasoo gaari doono ugu yaraan khasaare weyn oo ciidamada iyo hanaankiisa maamulba ku yimaada.

 

 

4 Comments

  1. Hargaysa hamigedi benta aha wa wayday gobolada hartiga ee ssc kamatalinayso habarjeclo jegaantuna naxashbaysaranthay.
    Wa muqadas midnimada Somalia iyo kamid ahanshaha puntland.

  2. wiil-OOG says:

    uma qalantid inaad sheegato garaadka sool. runtiina u malayn maayo inaad reer laascaanood ama sool tahay. waxaan kuu arkaa nin sheeganaya si uu hirgeliyo munaafaqadda puntland ee ah in dab qabiil la huriyo mar haddii ay dagaalkii fool ka fool ka ahaa ku guul dareysatey. meeshaan wax collaad ah oo qabiilada somaliyeed e gobolladdaas dhex yaallaa ma jiraan. ee waa collaad la siyaasadeeyey oo laba maamul ka dhex alloosan. cameey iyo adiga waxaa ciyaareysaan kaadh qabiil oo sumaysan oo keeni kara wixii somalidu ka soo gudubtey. ka xishood waxaan foosha xun ee aad ka hadlayso iyo munaafaqaddaan adiga iyo inta kula midka ahi aa wadaan. fidno qabiil lama buunbuuniyo ee halkeeda ayaa lagu baqtiiyaaa

    • Gurtahahi says:

      Adiga xagee ku xanuunaysa waa adiga aflagaadaynaya dad aydan shaqo isku lahayn, guushu waa mida aan lagaaga danbayn wax badan baa la sugaayay mida maanta taagan midna ogow ninka si xun wax ku doonaya ayaa adeegsada waxa aad ku sheegayso puntland doonimayso dhul durugsi iyo dhaxasho wax dad kale leeyihiin.

  3. ZEIN says:

    Hhhhh waar maxay ku hadleen ma afka ayaad ka nooshin wanu oganahy in uu maydku qudhmay dagaalkad so qadeen iyo oohinti aad ula tagteen in la bixiyo magti ragi dhintay ee xaga ku dhintay oo ay ju idhaahdeen keen gaasooow magti ragyaga war ma waxaas aya cidan ah haa mooodin in lakla maqanyahy sinxi ayaa wax lagu wada fadhiya ee beenta umada waxad haysana keena bal angu ma naqaan afka hadlka ee gacan ayanu ka hadlna SNM

Leave a Comment