XOG LA OGAADAY: Prof, Galeyr & Muuse Biixi oo ay ka dhex bilaabatay, Cali oo diiday dalab uga yimi Madaxtooyada Hargeysa, Tukaraq oo looga daray

HARGEYSA(P-TIMES)- Horjoogihii hore ee Khaatumo heshiiskana la galay maamulka Hargeysa Cali Khaliif Galeyr iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayuu hadda soo kala dhexgalay khilaaf xoog leh oo ku saabsan dagaalka Tukaraq ka socda, Cali wuxuu doonayaa in uu u dhoofo dalka Mareykanka maalmaha fooda nagu soo haya, halka Muusena doonayo in uu dadka Reer Dhulbahante la hadlo, kalana hadlo xaaladda dagaalkaas.

Kala aragti duwanaansho xoog badan ayaa ka dhaxeeya labada siyaasi, waxaana Cali Khaliif uu dhawaan ka laabtay magaalada Laascaanood, ka dib markii uu garowsaday xaaladda ay kusugan tahay magaaladaas,

Ilo wareedyo diidey magacyadooda warbaahinta in laga sheego ayaa xaqiijinaya dalabka Madaxweyne Muuse Biixi inuu suuro gali waayay ka dib markii uu si cad ugu sheegay Prof Galeyr inuusan u diyaar ahayn xilligaan balse kaliya uu hadda kala shaqeyn karo maamulka Somaliland dabinta iyo nabad kusoo dabaalid colaada ka jidha deegaanka Ceel-Afweyn ee Gobolka Sanaag.

Wararka ayaa intaas ku daraya Madaxweyne Muuse Biixi inuu ka xumaadey fashilka lasoo gudboonaadey qorshihii uu ku damacsanaa hadalka Prof Galeyr oo isna weli ka dhursugaya fulinta siyaasadii uu ugu magacdarey Somaliland la wada leeyahay.

Maalmihii u dambeeyay masuuliyiinta xukuumadda Somaliland waxay ka gaabsadeen ka hadlidda arrimaha ku saleysan kacdoonka dadweynaha iyo colaadda ka jirta deegaanka Tuka-raq ee Gobolka Sool.

8 Comments

  1. Oday bari says:

    Xaalada ali khaliif Iyo raga kale ee jeegaanta uga wakiilka ah laascaanood hagardaamaynta beelweynta dhulbahante waxay ku mudan doonaan geeridii cali cabdale saalax mar haddii ay heeryadii jeegaanta beesha dhulbahante ka dhiidhiday oo iska tuurtay,war yaa dhaha lafihiina la carara.

  2. Darwiish says:

    war ilaaahay ka baqa oo beenta iska daaya jahanamo laydinku shidye war runta hadaad doonaysaan majeerteen anagaa diidnay oo raali ka ahayn hadaanu doonayno bari lii hawl gali lahaa lkn walaaan majerteen dambe sib ugu soo naqonayn laascaano oo u gumasanayn dhulbahante dambe dhulbahanbwaa tashaday oo wuxu ku tashaday inuu majeerteen iska ilaaliyo sababtoo ah hore ayeey wax noo kala gaadheen iidoorja nabadgelyaaanu ku haysanaa dhibaato nooma gaystaan gabdhaha nagama kufsadaan dadka nagama laayaan dhulbahantihiii suuqa isku dili jirey ee aanada isku dili jirey vaa dhamaaday war keena boogu aqoobta badan ayaanu iska dili jirney o ninka wadanka wax qaban lahaa ayaa dhulbanahante iska dili jirey oo waliba aano qabiil wixii oi dhaban baanu ka raysanay eee haygu beer laxawsan harti majeerteen wa habaarqabe

  3. Anonymous says:

    RABADAAN KARIIM

  4. Anonymous says:

    Cali waxa la yiri Xaley Muuse ayaa dhirbaaxey, aleylehe ha le waso nacaska , waa nin liita . waana in ay dilaan.

  5. axmed says:

    Cali waxa la yiri Xaley Muuse ayaa dhirbaaxey, aleylehe ha le waso nacaska , waa nin liita . waana in ay dilaan.

Leave a Comment