XOG RASMI AH: PTIMES oo ogaatay Mawqifka Dawladda Puntland ee Nabad ka dhacda G Sool & Muuse Biixi oo uusan farxad galin Sharuudan

GAROOWE(P-TIMES)- Warsidaha Puntlandtimes.com wuxuu la hadlay Saraakiil xubno kala duwan oo katirsan laamaha dawladda Puntland oo ku saabsan wararka sheegaya in koox iskugu jira ganacsatada iyo culumada waa weyn ee Soomaalida, gaar ahaana labada gobal ee Puntland & Somaliland ayaa sheegaya in Puntland ay sharuud adag ku xirtay aqbalida wada hadal ay galaan.

Sarkaal sare oo katirsan dawladda Puntland oo ka gaabsaday magaciisa wuxuu sheegay in aysan haba yaraatee aqbaleyn wada hadal iyo nabad ilaa inta ciidamada Somaliland ay ka baxayaan dhul dhan 170KM oo ay uga jiraan xaduudaha Puntland.

‘’ Nabadda ay sheegayaan kooxda Hargeysa ma aqbali doono, ilaa ay ku jiraan taako kamid ah dhulka Puntland, wax gorgortan iyo wada hadal ahna kama galeyno dhulkeena’’ ayuu yiri Sarkaalkan.

Guddiga Difaaca ee dawladda Puntland waxay hoos ka xariiqeen in aysan marnaba wada hadal u fadhiyin, Muuse Biixi-na ogaan doono xaqiiqada marka uu wajaho xaaladda colaadeed ee hadda taagan, iyagoo sheegay in uu dagaalka Tukaraq socon doono.

Culumo & Ganacsato katirsan kooxda Ictisaam ee ku kala sugan Garoowe iyo Hargeysa, gaar ahaana kuwa Malaayiinka Dollar ka macaasha isku socodka iyo nabadda labada maamul waxay xooga saarayaan sidii heshiis waara loo heli lahaa, balse marnaba dhinaca Somaliland culumadoodu ma muujin dabac muuqda oo rasmi ah, marka laga reebo Culumadii uu xalaaleysay Muuse Biixi gobalka Sool, kuna dhici waayay sheegida xaqiiqada.

 

 

Leave a Comment