XOG RASMI+AKHRISO: Urur Gobaleedka IGAD oo Xal u raadinaya Dagaalka Tukaraq & Xog xasaasi ah oo laga helay

MUQDISHO(P-TIMES)- Urur gobaleedka IGAD oo ay Soomaaliya xubin firfircoon ka tahay ayaa dadaal xoog badan ugu jira sidii looga baaqsan lahaa dagaal 3aad oo ka dhaca deegaanada ay isku horfadhiyaan ciidamada maamulada Puntland & Somaliland, waxaana saacadihii u dambeeyey ay kordhiyeen wada xaajoodyada ay la leeyihiin maamuladan iyo dawladda Faderaalka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa bilowgii bishan khadka telfoonka ay ku wada hadleen mid kamid ah madaxda ugu sareysa dawladda Itoobiya, oo iyadu saameyn siyaasaded ku leh maamulada Puntland iyo Somaliland, in ay galaangalkeda uga faa’iideyso in la baajiyo dagaalkaas.

Sidaas oo kale 03-dii bishan Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi wuxuu ka codsaday dawladda Itoobiya in ay kala dhexgasho Puntland & maamulkiisa, wuxuuna xiligaas cabsi ka qabay in duulaan culus oo lagu soo qaadaa uu kalifo in uu ku waayo gobalka Sool.

IGAD waxay markaas bilowday dadaalkeeda, waxaana Ergay gaar ah u xilsaartay arrimahan, iyadoo lafilayo in ay maanta booqasho uga bilaabato magaalada Muqdisho, ayna dhinacyadu ka wada hadlaan ammaanka iyo sidii dagaalkaas loo joojin lahaa.

Somaliland waxay aqbashay oo kaliya in ay ciidamadeeda ku celiso Agagaarka Gambara, halka hubka culusna ay geynayso deegaanka Gooja-Cade oo ay horeyba u geysay, laakiin marnaba ma ay ogala in ay ciidamadeeda kala baxdo gobalka Sool.

Warsidaha Puntlandtimes.com wuxuu ogaaday in Madaxda dawladda Puntland ay si cad u diideen soo jeedinta IGAD ee ah in ciidamada Muuse dib loogu cesho Gambara, waxaana ay sheegeen in ay horey uga hadleen arrimahaas, ciidamada Muuse-na ay waajib tahay in ay ka baxaan gobalka Sool oo dhan.

Taasi waxay qaadan-waa ku noqotay IGAD oo u aragtay in ay u wareegto dhinaca dawladda Faderaalka Soomaaliya, si culeys loogu saaro Puntland aqbalaada go`aankaas oo ah mid aan soo dhaweyn kala kulmeyn Madaxda iyo Shacabka Puntland.

Warsiduhu wuxuu ogaaday in ay suuragal tahay in 12-ka bishan kahor wafdiga IGAD ay gaaraan magaalada Garoowe, si ay madaxda Puntland ugala hadlaan arrimaha ku wajahan dagaalka gobalka Sool, waxaana ay si cad u diidi doonaan qorshaha IGAD, maadaama uu yahay mid aysan ka dhageysan Karin Shacabka iyo ciidamada faraha badan ee la geeyey jiidaha dagaalka.

IGAD ayaa arrimahan lagu eedaynayaa in ay si fudud ku gashay, maadaama ay heshay dalab hal dhinac ah, dhinaca kalena aysan wali dhageysan oo ay xiligaas bilowday in ay go`aan gaarto ay leedahay kala qaadida ciidamadaas, taas oo ay aad uga caroodeen dhinacyada qaarkood.

 

2 Comments

  1. wiil-OOG says:

    That is a good news and Puntland and it administration should accept it in its entirety without any pre-condition. Sool region is part of Somaliland and will probably remain so.

  2. Luqmaqn says:

    Ilaahaiw kala qabooji laa xawla walaa quwati ikaa bilaah

Leave a Comment