XOG+DAAWO:Dowladda Imaaraadka Carabta oo kusoo biirtay dagaalka Tukaraq & Madax sheegtay in Puntland Iyo Somaliland……

GAROOWE(P-TIMES)- Xilli weli ay sii xoogaysanayaan xiisadaha dagaal ee Puntland iyo Somaliland isla markaasna dhawaan ay ka digtay Hay’adda xasaradaha Caalamka ee International Crisis Group  ICG dagaalo culus oo dhex mara labada dhinac ee Puntland iyo Somaliland ayaa waxaa haatan soo baxaya warar sheegaya in qaar kamid ah dowladdaha Carabtu ay dhex dhexaadin kala dhex dhigi doonaan Puntland iyo Somaliland. RIIX HALKAN OO KA DAAWO MUUQAALKA

Xogo hoose oo ay heshay Puntlandtimes.com ayaa sheegaya in wafti ka socda dowladda Imaaraadka Carabta oo maalmihii ugu dambeeyey safaro ku marayey qaybo kamid ah deegaanada Puntland ay wadaan qorshe lagu dhex dhexaadinayo dhinacyada Puntland iyo Somaliland, iyagoona la sheegay in ay xooga saari doonaan in xal looga gaadhi lahaa xiisadaha dagaalka Tukaraq ee gobolka Sool.

ICG warbixin ay dhawana soo saartay waxay u soo jeedisay Imaaraatka Carabtu oo labada dhinacba saaxiib dhaw la ah in uu kucadaadiyo in ay nabadda ka shaqeeyaan oo ay dagaal baajiyaan.

 

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.