AKHRISO: Wararkii ugu dambeeyey ee Jiidaha Tukaraq, Taliyaasha labada dhinac oo kumashquulsan Istaraajiyad dagaal.

TUKARAQ(P-TIMES)- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya isku dhacyo saacadihii u dambeeyey dhexmaray ciidamada labada dhinac ee Puntland & Somaliland, gaar ahaana kuwa ka dhacay shalay galab aagaga buurta loo yaqaano Labo Madaxleey oo kamid ah goobaha ay isku horfadhiyaan labada dhinac ee ciidamadoodu mudada dhan 7 bilood kusugan yihiin.

Warsidaha Puntlandtimes.com wuxuu ogaaday in ay jiraan dhaawacyo ka dhashay labada dhinacba, inkastoo ay Puntland dhankeeda beenisaysay in wax khasaare ah kasoo gaaray iska horimaadkaas.

Ilo kusugan deegaanka Gooja-Cade ayaa sheegaya in la geeyey dhaawacyo gaaraya 3 askari oo ay labo kamid ah qabaan dhaawacyo fudud, waxaana la rumeysan yahay in ilaa hadda ay xiisadda labada dhinacba sii kordhayso.

Maleeshiyaad badan ayaa lageeyey goobahan, waxaana cabsi laga qabi karaa dagaal xili kasta bilowda, iyadoo miisaaniyada ku baxaysa ciidamada is horfadhiya ay tahay mid sii kordhaysa, waxaana adag in maalmo dambe oo badan sii hayaan labada maamulba.

Taliyaasha labada dhinac ayaa ku mashquulsan sidii midba midka kale uga adkaan lahaa, iyadoo ay adag tahay in la helo xaqiiqada ku wajahan arrimahan, haddana Taliyaashu waxay ku mashquulsan yihiin diyaarinta Istaraajiyada howlgal Milateri oo ka dhaca Tukaraq iyo guud ahaanba gobalka Sool.

 

 

Halkaan Ku Qor Fikirkaada