DAAWO MUUQAAL: Somaliland oo sheegtay in 21 sanno ku qaadatay in ay Tukaraq qabsato, Puntland-se meeqa ayay ku qaadan doontaa lawareegida Sool.

LAASCAANOOD(P-TIMES) – Taliyaha ciidanka Somaliland Jen, Nuux Taani Ismaaciil oo ka hadlayay Tukaraq saldhig ciidan oo kuyaala labo maalin ka hor ayaa daaha ka rogay in ay ciidamadiisa ku qaadatay in 21 sanno maalinba meel soo gaaraan, ilaa ay maanta joogaan Tukaraq oo masaafo dhan 60KM u jirta caasumada Puntland ee Garoowe, wuxuuna sheegay in ay kusii jeedaan Yoocada oo masafo dhan 55KM u jirta Tukaraq.

Taliye Nuux Taani wuxuu sheegay in ay maalinba meel soo joogeen, oo ay ka soo gudbayeen deegaano dhawrkii sannaba mar, isagoo sheegay in marxaladihii kala duwanaa ay marar badan ku kalifeen in ay ciidamadooda dib uga celinayaan deegaanka Tukaraq.

Inkastoo Nuux ka been sheegay xaqiiqada Tukaraq iyo meelaha lagu kala sugan yahay, haddana shaki ma saarna in uu Nuux Taani Ismaaciil yaqiinsanahay in xadka Somaliland uu yahay Burco, isagoo sheegay in ay weerar kasoo bilaabeen duleedka Burco 21 sanno kahor, walina ay doonayaan in ay kutagaan Yoocada oo ah duleedka Garoowe…..RIIX HALKAAN SI AAD U DAAWATO.

Su’aalaha lays weydiinaya waxaa kamid ah Jeneraalka hogaamiya ciidamada Difaaca ee Puntland Jen, Siciid Maxamed Xirsi meeqa sanadood, bilood ama maalmood ayay ku qaadanaysaa in ay dib uga saaraan ciidanka Somaliland dhul ay soo haysteen 21-kii sanno ee lasoo dhaafay, waxaana ilaa hadda la rumeysan yahay in uusan dhicin guluf dagaal oo ay Puntland toos ugu qaaday ciidamada Somaliland.

Shacabka ayaa taageero badan ku bixiyey sidii ciidamadooda loo adkeyn lahaa, Canshuur iyo Qaraan ayaana marar badan dadka laga qaadaa si loogu kabo arrimaha Ammaanka iyo shaqada dalka loo hayo, haddana wali shacabku waxay ka dhur-sugayaan xaaladda gobalka Sool, oo ay rumeysan yihiin in lagu soo qaado duulaan gardarro, haddana lagu daray in aflagaado loo geystay Awoowyaashood.

 

 

6 Comments

  1. Majerteen says:

    Puntland dagaalo badan bay lasoo gashay hawiye iyo alshabaab, hadana way awoodaa inay dhulkeeda difaacdo,dhibka jira waa dhulbahante oo dhexdiisa iska baqayo oo iswada raacsaneen oo dhabarjabin kara ciidamada puntaland maadama ay saacad u ahayn xoreenta siiba reer laascaanood! .. haduu dhulbahante faraha kala baxo dagaalka walaahi majerteen baa kufilan dagaalkan,dhulbahante munaafaqnimada dagaalka curyaamiyay.iyagoo wax faaido kusoo kordhin dhib iyo niyad jab.. somaliland 21 years dagaal magalin,hubkeeda ilaa siyaad bare waxii kagala haray way u keedsanaayeen.. sidaas ay tahay awood puntland kuma gaaraan..

  2. Guulwade says:

    Moorgan baa xukumijiray. Bay ula jeedaan .taani wuxuu ulajeedaa inay taariikh karadiyaan. Dhul darood baan xukunay waana. Tagayaaa yoocada. Si garoowe looga qaxo. Waxay rabaan aarsi iyo taariikh lagu qoro buugtaa si ay uyeeshaan oo loo yiraahda. Hargaysaa xukumijiray sool iyo sanaag. Dhulbahante. Wuxuu kusaari karaan 10 bari. Puntlana waxaa xukuma kuwa aan doonayan inay xoreeyaan walaalahod. Waxaa kufilan. Leelkase iyo biicidyahan. 7 bari bay ku saaro karaan. Hadii loofasaxo ee majeerteen baaraba inay iska raaxaystaan hawiyaha dhuldarood. Waligood marabaan waa qoomiyad dhul leh ee kuwaan cuqdad baa kabuuxda. Dhulka kuyar. Samatar na wuxuu uyimid inuu taariikh da kasameeyo. Dhulbahante iyo puntland waa kajabiyay.

    • Majerteen says:

      Hawiye dhul daarood wuu rabay Galmudug sikasta shiekh xasan wuu ugu soo gurmaday lakin riyadii ilaa burtinle way soconwayday..mida kale magaca laftigiisa “galmudug” waxa loogu bixiyay “gal gaalkacyo oo qabso dhamaanteed.. caydiid baa ku fashilmay markii umar maxamuud kaliya oo dawlad ku tiirsaneen bay iska dhicinwaayeen hada oo dawlad ju tiirsan way ku fashilmaleen.. caydiid oo hawiye maal iyo hub soo siiyay bay gaalkacyo qabsanwaayeen.. mida kale hawiye iyo isaaq waligood dhul boob bay aheeyeen.. marka cadeey dhulkas waa lala wareegay ,reer xamar kii muqdisho waa lagala wareegay ciday dhulkooda boobo waayeen waa cidii iska dhicisa military. . Idinka reer dhulbahante waxaa nii nuuqda isaaq kaliya oo xaduud ba la leedihiin lakin hawiye iyo isaaq waa isku mid oo dhil balaarsi waligood wadeen.. cuqdad isaaq baa tiri lakin hawiye xataa waa cuqdad lakin hawiye isagaa dad laayay oo ka qaxiyay daarood dhulkas xamar mida kale caasimadii waa magaaladooda marka sabab ofa go’an somalia cuqdad darteen baa yar.. lakin isaaq waa laangaab oo xata raisal wasaare kowad somalia lama siiyo.. cuqdadooda wa taas..waa aragtay madaxweyne iyo raisal wasaare kowad mala siiyo.. hadana sool waxay u rabaan inay dhahan daarood ban xukumay oo laandheer iska dhigaan. .hawiye waa laandheer waa beel weyne oo dhul badan haysato lakin isaaq iyo hawiye a isku mid..labadaba daarood majeclo.. dagaalka hada socda hawiye somalialand buu lajiraa..

  3. Boqor burhaan. Gaas .cameey. calikhaliif G7.puntland. khatumo. 14 garaad. Dhulbahante. Ganaral.siciid dheere. Madaxweyne. Faroole. Kuxigeenka. Ina cali shire. Horgalada. Xaabsade. Xaglatoosiye. Musharaxiita. Waxaasoo dhan waa harti. Taariikhda. Magaca. Waxaa kaga ciyaaray.oo lagu qorayaa. In harti. Laga guulaystay. Oo ay kaguulaysteen. Musa shaani. Faysal. Samatar taani. Ee .meel hageeyo an. Taariikhxumada. Harti. Waa in runta say tahay loo sheegaa. Taariikhxumada. Mareexaan iyo Leekase shaqada kumalaha. Waayo meesha. Puntland waxaa kataliya. Harti. .mareexaan iyo Leekase iyo awrtable. Cidna wax kama waydiiso talada puntland. Islawayni dii. Wataa garoowe ciidanka jeegaanta. Haystaan. Ogaada. Ogadeen mareexaan. Lelkase. Way is difaac aan shir jara aid. Ma qabtaan. Dagaal waa dagaal. Halka. Hartiga. Ka horgale iyo kaput land ku mashquul een nabad iyo hanjabaad. Waxaasoo dhan waxaa isku qaatay. GAAS FOOL XUMADA IYO CEEBTU HAYSTAA. WAXBAAN BARTAY. MAHA INAAD. GAROOWE. MARBA SHIRLAGUQABTO. AMA MUSHARAX FARABADAN OO LASOO DHAWEEYO.

    • Majerteen says:

      Somali way istiqaan,dagaalka tukaraq uma dhaxeeyo isaaq iyo daarood.. sidii laascaanood loolawareegay somali oo dhan way ogtahay,isaaq laascaanood ma qabsan awoodas ku qabsado ma haysto, hawiye oo dhan baa gaalkacyo qabsan waayay iyadoo puntland la aas aasin buu laf kamid ah majerteen umar maxamuud iska dhicinwaayeen, marka waxba ja u badalin daarood iyo isaaq..majerteen hadij dhiiga dhulbahante unaxeenin xaabsade dhafoorka ka toogto oo laascaanood la wareegi karay lakin waxa la odhan laha majerteen reer laascaanood bu xasuuqay intuu laascaanood soocelinayay.. marka dhulbahante hunguri oo daacad u ahayn dhinacna baa isaaq iyo majerteen kala hayo

    • Majerteen says:

      Waa isla sababta majerteen iyo isaaq gacanta usku saarin.waxa u dhaxeeya dhulbahante hunguri oo hadii xaabsade dhafoorka laga tooganlahaa iyo wixi ayidsan laascaanood oo majerteen xoog kuso celin lahaayeen waxuu dhulbahante odhan laha majerteen baa na xasuuqay..majerteen ma ahan isaaq ama hawiye oo kale oo tolkooda laayo, tukaraq waxaa isaaq keenay dhulbahante hunguri ee walaahi dhiiga harti daadanayo ayaa loogu dulqaatay. Xaabsade istaagi gacna banaan buu garowe kusoo laabtay isagoo awalba magaalada u dhiibay majerteen ku xumee. .

Leave a Comment