DAAWO SAWIRRO: Musharax Siciid Deni oo gaaray LONDON, waxaase Maxay Ujeedada socdaalkiisan?

LONDON(P-TIMES)- Siciid Cabdullaahi Deni oo kamid ah musharaxiinta u taagan Madaxweyne-nimada Puntland doorashada 2019-ka ayaa gaaray magaalada London ee dalka UK, halkaas oo ay si weyn ugu soo dhaweeyeen qaar kamid ah Shacabka Puntland, waxaana uu kulamo la yeelan doonaa Jaaliyaddaha Puntland ee kunool dalkaas.

Musharaxa ayaa u mahad celiyey soo dhaweyntiisa dadkii ka qeyb-qaatay wuxuuna sheegay in ay is wareysan doonaan oo ay ka wada hadli doonaan arrimaha kala duwan ee dalka iyo sidda loogu baahan yahay in la kala xog qaato.

Warsidaha Puntlandtimes.com wuxuu ogaaday in uu Siciid Cabdullaahi Deni musharaxnimadiisa si toos ah uga dhawaaqi doono magaalada London ee dalka Ingiriiska, uuna la kulmi doono Jaaliyaddaha, Siyaasiinta iyo waxgaradka Soomaaliyeed, gaar ahaana Puntland ee kunool dalkaas.

Musharaxa ayaa lafilayaa in uu ka hadlo marxaladaha hadda ka socda gudaha Puntland, oo ay ku jiraan dhinacyada Difaaca, Doorashada iyo sidda loogu baahan yahay in Dastuurka iyo Midnimada Puntland loo dhawro, iyadoo dadaal kasta lagu bixinayo.

Siciid Deni wuxuu horey u soo noqday Xildhibaan Faderaal & Wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee dawladda Faderaalka Soomaaliya, wuxuuna sidaas oo kale u tartamay doorashadii Madaxtinimada ee Soomaaliya ka dhacday horaantii sannadka 2017-ka, wuxuuna ka helay codad wanaagsan.

Sidda qorshuhu yahay Puntland doorasho ayaa ka dhici doonta 08 Jan 2019, waxaana loolan adag u gali doona musharaxiin fara badan, iyadoo ay ku wareegsan yihiin caqabado ay ka mid tahay xaaladda gobalka Sool oo musharax kasta oo guuleysta ku ah culeys difaac iyo dagaal oo aan caadi aheyn.

Madaxweynaha Puntland ee hadda waqtigu kasii dhamaanayo Cabdiweli Maxamed Cali Gaas wuxuu sheegay in uu diyaar u yahay qabashada doorashada waqtigeeda, taas oo ka dhigan in ay musharaxiintu bilaabaan loolankooda doorashada ee ay ku raadsanayaan codadka xildhibanada.

Halkaan Ku Qor Fikirkaada