DABAGALKA WARKA:Nabad raadinta Muuse Biixi & Colaadda Tukaraq waa mid kala fog, Maxayse hadda Indhaha Muuse qabteen oo aan horey u jirin!?

HARGEYSA(P-TIMES)- Todobaadyadii ugu dambeeyey iyo 72 saac ee lasoo dhaafay si weyn ayay soo shaac-baxeen dalabyada ka imaanaya Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ee kuwajahan in laga wada hadlo xaaladda dagaal ee kataagan gobalka Sool, gaar ahaana Tukaraq oo uu horey u diidey in ay ciidamadiisu ka baxaan, haddana u muuqata furin dagaal oo aan la huri doonin in si xun loogu dagaalamo.

Muuse Biixi wuxuu bilaabay wixii ka dambeeyey 24-kii bishii May 2018, dadaalo nabad raadin ah oo ku wajahan in uu dib ugu laabanayo Gambara, laakiin taasi ma noqon mid ka socota dhinacyada ay wax kala dhaxeeyaan ee Puntland oo cadeysay in ay ku qanacayso oo kaliya in ay Somaliland dib ugu laabato deegaanka LABI GAATAMA oo ku dhaw magaalada Burco.

Nabad raadinta cusub ee uu hadda bilaabay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo latashiga Siyaasiin uu ka mid yahay Ismaaciil Hure Buubaa ayaa ka dhigan in ay tahay baqdin iyo cabsi uu ka dareemay in gobalka Sool oo lagu wareejiyey Xukunka isagoo gacanta maamulka Hargeysa ku jira in uu ka baxay gacantiisa oo u eersaday.

Wasiirkii hore ee Arrimaha dibada Soomaaliya Ismaaciil Hurre Buubaa ayaa si madal ah u sheegay maanta in Tukaraq xaaladeeda nabad raadineed uu Muuse Biixi ka codsadey in uu la hadlo Siyaasiinta Puntland, taas oo ka dhigan in uusan Muuse wali rumeysaneynin doonista Shacabka gobaladaas.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ay bilo yar ka harsan yihiin maalmaha xil-heyntiisa wuxuu mar kale maanta 16 July 2018 ka sheegay magaalada Brussels ee dalka Biljimka, in aysan dagaal ka fursaneyn xaaladda Tukaraq,

Madaxweynaha Somaliland ayuu ku eedeeyey in uu duulaankan soo qaaday, masuuliyadana dhabarka u ridan doono, wuxuuna sheegay in Mr, Biixi uusan hadal ku laabaneyn, balse uu ku laaban doono luuqada uu fahmayo, taas oo ka dhigan in dagaal ay tahay.

Koox iskugu jirtay saaxiibada dhaqanka, Lataliyaasha iyo Ganacsatada la heyb ah Madaxweynaha Somaliland ayaa shalay dib uga laabtay Garoowe, waxayna u socdeen ujeedo ku saabsan wada hadal iyo nabad laga gaaro xaajadda gobalka Sool, laakiin wey guuldareysteen doonistooda ku wajahneyd wada hadal ay ka keenan Puntland.

15-kii May 2018, Madaxweynaha Somaliland wuxuu garaacay durbaan colaadeed ku saleysan qabyaalad, isagoo sheegay in ay awoowyaasha dadka degan gobalada Puntland ka adkaan jireen, taas oo ahayd ficil ay dad badan dhibsadeen, kuna kaliftay in ay ku biiraan dagaalka Tukaraq, waxaana wixii xiligaas ka dambeeyey mooraljab soo gaaray dhanka Somaliland oo ay arkayeen in gobalka Sool gacantooda ka baxay.

 

4 Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan “DABAGALKA WARKA:Nabad raadinta Muuse Biixi & Colaadda Tukaraq waa mid kala fog, Maxayse hadda Indhaha Muuse qabteen oo aan horey u jirin!?

  1. MAJEERTEEN HADDII LA YIDHAAHDO AAD KHILAAFKEENA WADAL IYO NABAD KU DHAMAYNO FULAYNIMAAY U YAQAANAAN..HADDII LA YIDHAAHDO WAAR WAX LAGA WADA HADLAA MEESHA MA YAALO AAN DAGAALANONA DAGAALAMI MAAYAAN. BAL IDINKU GARTA WAXA U WANAAGSAN EE AY DOONAYAAN, BAL IDINKU GARTA SI LOOLA DHAQMO.. DAGAAL MA AWOODAAN OO TOLAAYEEEY IYO YAA DAAROODEEEY BAA KA DHAMAATEEY. NABADDIINA DACIIFNIMO IYO LIIDASHO AYAY U YAQAANAAN.

    TAN KALE WAAR DHOWR JEER OO HORE BAA LA IDIIN SHEEGAY..DADKA WAX KA DEGA SOOL IYO SANAAG IYO CAYN SIDAAD QABAA’IL U TIHIIN BAY QABAA’IL U YIHIIN, SIDAAD SOMALILAND U DIIDEEN BAY IYAKUNA PUNTLAND OO QABIIL HARTI AH KU DHISAN U DIIDEEN..LABI GAATAMA AYAAD SHEEGAYSAANE ADHI-CADEEYE MA SOO DHAAFI DOONTAAN GOBOLKA SOOLNA WUXUU NOQON DOONAA MID U KALA QAYBSAN SIDA GOBOLKA MUDUG. WAAYO HADDII PUNTLAND MARKASTA QABIIL DAAROOD AMA HARTI WAX KU DOONEYSO DEE DADKA KALENA QABIILKOODA BAY WAX KU DHISAN DOONAAN SOMALI ISU IMANEYSAANA MA JIRI DOONTO. MARKAAS ANIGU WAXAAN QABAA IN SOMALILAND AANAY DHULBAHANTE KHASAARE MOOYAANE FAA’IIDO KU QABIN..CASHUUR NAF LEH OO LA SHEEGAA KAMA SOO GASHO..MAGAC IYO IXTIRAAM KUMA HAYSATO..WAA DAD DAGAAL IYO RABSHO MAAYAANE AAN HORUMAR OGOLAYN WIXII WAX LA QABTA IS YIDHAAHDANA XAG-XAGTA..ANIGU WAXAAN QABAA IN CIIDAMADA SOMALILAND LA KEENO ADHI-CADEEYE. WIXII HORUMAR EE AY SOMALILAND MEESHAAS GELIN JIRTEEYNA CAYNABA IYO MAGAALOOYINKA KALE LA GELIYO..KUWASAA MAHAD-NAQAYA…MARKA CIIDAMADA SOMALILAND AY KA SOO BAXAANA MAJEERTEEN IYO DHUBAHANTE AMA DHULBAHANTE DHEXDOODA AYAA DAGAAL KA QARXI DOONAA…HABAAR IGAMA AHA EE DADKAASAAN AQAANAA.

    Reply
    1. Will inan gumeed.
      Iidoorku haduu dagaal yaqaan waa horuu wax soo dhacsan lahaa dagaalkoodu waa laaluush taasina hada wey soo xirantey, mj dagaal mayaqaano bal orodoo dhulkooda aad inan gumeed yahow ingiriis guryaha u dhaqi jirey, dadka sool dega waa dadkii xoreeyay waqooyiga soomaliya iidoorna xaafadaha ingirrisku daganaa ayey jaariyad u ahaa yeen. Baaacac waxba tarimeyso dagaal qoto.dheer diyaar iidoor inan gumeed diyaar ha u noqdo.

      Reply
      1. BAL DAYAAY WAA QAMAAM DHAAFEEEY HADALKII E. NINKAAN WAXAAN KA HADLEEY BA MUU GARAN OO GUNIMO IYO WAXAAN LOO JOOGIN BUU JIBAAXAAY EE TOLOOW MA KA CAQLI DARAA MISE WAA ISYEEL-YEELAYAA. ALLOOW SAHAL

        Reply
  2. BAL DAYAAY WAA KAN QAMAAM DHAAFEEEY HADALKII E. NINKAAN WAXAAN KA HADLEEY BA MUU GARAN OO GUNIMO IYO WAXAAN LOO JOOGIN BUU JIBAAXAAY EE TOLOOW MA KA CAQLI DARAA MISE WAA ISYEEL-YEELAYAA. ALLOOW SAHAL

    Reply

Halkaan Ku Qor Fikirkaada