DEG DEG: Madaxweynaha Puntland oo kulan la yeelanaya Wasiiraddiisa & Xaaladda Tukaraq oo hareyn doonta

GAROOWE(P-TIMES)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shir gudoomin doona kulanka golihii wasiiradda, kulan ay yeelanayaan waxaa aad looga hadlayaa Ammaanka, Siyaasadda iyo xaaladda gobalka Sool oo ah goob hadda kutaala Xukuumadiisa Somaliland ay qabsatay Tukaraq sannadkan bilowgiisii.

Kulanka golaha wasiiradda waxaa warbixino laga dhageysan doonaan guddiyada Difaaca & Taakuleynta ciidamada Puntland oo hadda jeedinaya warbixino u muuqda kuwa ay quus kaga muujiinayaan xaaladda gobalka Sool.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in ay Xukuumaddu hadda wajahayso cadaadis xoog badan oo uga imaanaya shacabka oo taageeray ciidamada dawladda, ayna ka sugayaan in ay dawladdu ka dhabeyso balanqaadkedii ahaa in lasoo celinayo gobalkaas.

Xog ay heshay Puntlandtimes.com waxay cadeynaysaa in guddiyada howlahan loo xilsaaray ay qaarkood ay u sheegeen Madaxda dawladda Puntland sidda ay qasabka u tahay in la qaado talaabo milateri, maadaama ciidamadu ay mudo dheer joogeen duleedka Tukaraq.

FAAHFAAHINTA GOOR NAGALA SOCO RIIX HALKAAN

One Comment

  1. Haliye says:

    Dagaal ma jiro, wax walba oo layskugu sheekeeyo yaan la moodin run, GAAS daacad kama aha dagaalka, aakhirkana cududaarashuu bilaabi, iyo dad baa dalkii ka xorayn waayay, musharaxiin dano khaas ah wata baa xagal daaciyay XORAYNTII.

Leave a Comment