DEG DEG: Somaliland oo dadka & Warbaahinta gudaha ee maamulkaas ku soo rogtay amaro ku saabsan Dagaalka Tukaraq

HARGEYSA(P-TIMES)- War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ee maamulka Somaliland ayaa lagu amray warbaahinta iyo dadka caanka ah ee waxka qora arrimaha maalinlaha u dhacaya in aysan ka waramin karin xaaladda Dagaalka Tukaraq, aysana bixin Karin warar ku saabsan xaqiiqada ama dhexdhexaadnimo dhameystiran.

Qoraalkan oo loo qeybiyey warbaahinta gudaha ee madaxa banaan ayaa lagu sheegay in ay ka dambeysay ka dib markii ay xiliyo badan dhaceen in la helo xaqiiqada ku wajahan deegaankaas, waxayna Somaliland ka cabatay warar aan xaqiiqo aheyn laga tabiyey.

 “Wararka kaliya ee laga tabin karaa jiidaas dagaalku ka taagan yahay ee Tuka-raq waa midka ka soo baxa taliska ciidanka ama xukuumadda, waxaana reebban in warar malo-awaal iyo kuwo laga soo xigtay meelo kale oo aan ahayn ilaha rasmiga ah laga sii daayo guud ahaan warbaahinta dalka.”Warka ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu yidhi;

TUKARAQ oo kamid ah gobalka Sool, una jirta masaafo dhan 60KM, magaalada Laascaanood oo uga beegan xagga Garoowe, waxaa ka taagan lixdii bilood ee lasoo dhaafay xiisad dagaal oo u dhaxeysa Puntland & Somaliland, waxaana xili kasta cabsi laga qabaa dagaal toos ah oo dhinacyadaas dhexmara.

Halkaan Ku Qor Fikirkaada