DEG DEG+DAAWO:Cali Khaliif oo banaanka keenay xoggo ka qarsoon Shacabka Gobolka Sool kuna dhawaaqay in Somaliland dano gaar ah ka leedahay Dagaalka Tukaraq

LAASCAANOOD(P-TIMES)- Prof, Cali Khaliif Galeyr oo horey falaago uga noqday kooxdiisii Khaatumo, laguna sawiray kulamo ka dhacay hotelada Hargeysa oo uu heshiis kula galay maamulka Somaliland ayaa hadda kusoo dhacay meel cidlo ah, waxaana uu ka cadeeyey Laascaanood in uusan waxba kala socon dagaalka Tukaraq, wuxuuna sheegay in ay Somaliland ka leedahay ujeedooyin siyaasadeed oo ay doonayso in ay waxku yeelayso shacabka gobalkaas oo ay colaad u abuurto…..RIIX HALKAAN SI AAD U DAAWATO

 

Hal Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan “DEG DEG+DAAWO:Cali Khaliif oo banaanka keenay xoggo ka qarsoon Shacabka Gobolka Sool kuna dhawaaqay in Somaliland dano gaar ah ka leedahay Dagaalka Tukaraq

  1. Horaa loo yidhi si xun wax u sheeg, sixir ka daran. Waar ma qudbaddaan aadka u qiimaha badan ee aanu anakuba dhegaysaneey baad qalibteen oo sidan u dhigteen..dee maxaaba kale oo la idin weydiinayaa meel xun baad wax ka raadiseen e. Bal qudbadda prof. Ali Khalif Galyr oo aad kala googoyseen baa soo dayseen. welina waa la maqlayaa in waxa uu sheegay iyo wax qorteen kala duwan yihiin. prof-ku wuxuu ka hadlay xaqiiqda iyo wax jira..somaliland na waxbuu ka tabteey. puntland na quus buu ka joogaa..waase talo odeeynimo. WAXAAN LEEYAHAY WAA IN UU NOQDAA MADAXWEYNAHA XILLIGA SOO SOCDA EE SOMALILAND. IDINKAAN MEESHAAN WAX KU QORANA TALAAN IDIN SIINAYAA EE MEEL AAN WAX LAGA DEYIN IYO XUMAAN CIDNA WAX U TARAYN OO AAD KU CAAN BAXDEEN KA WAANTOOBA.

    Reply

Halkaan Ku Qor Fikirkaada