SAWIRRO:Ciidamadii ugu badnaa ee Beesha Cilmi Naalaye oo gaadhay Jiidaha hore ee Dagaalka & Puntland oo ku dhawaaqday….

TUKARAQ(P-TIMES) – Iyadoo lagu duulayo hawlgalka xoreynta gobolka Sool iyo sidii guud ahaanba looga saari lahaa hadhaadiga Malayshiyaadka Jeegaanta ee ku sugan qaybo kamid ah gobolka Sool ayaa waxaa maanta lagu soo dhoweeyey degmada Buura Wadal ee gobolka Sool ciidamadii ugu badnaa ee Beesha Cilmi Naalaye oo kamid ah Beelaha Dhulbahante kuwaas oo kasoo kicitimay deegaano kamid ah gobolka Sool. RIIX HALKAN OO KA DAAWO SAWIRADDA

Ciidamadani oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa kusoo dhooweeyey deegaanka Buura Wadal ee gobolka Sool madax ka tirsan Puntland, waxgarad, aqoon yahano iyo sidoo kale maamulka gobolka Sool.

Munaasibad soo dhoweyn ah oo loo qabtay ciidamadani Beesha Cilmi Naalaye oo qayb ka noqon doona xoreynta gobolka Sool ayaa waxaa hadalo kasoo jeediyey masuuliyiinta gudida difaaca, saraakiil ciidan iyo sidoo kale gudoomiyaha gobolka Sool Abukar C/raxmaan Gelle, waxaana ugu horeynbta goobtaasi ka hadlay General Mubarig Maxamed Warsame oo isagu ah taliyaha ciidamadani ka socday Beesha Cilmi Naalaye.

Sidoo kale waxaa iyaguna goobtaasi ka hadlay Wasiiradda Amniga, Warfaafinta, gudoomiyaha Abukar C/raxmaan Gelle iyo sidoo kale qaar kamid ah waxgaradkii goobtaasi ku sugnaa oo iyagu sheegay in ciidamada Cilmi Naalaye ay soo dhoweynayaan isla markaasna ay heli doonaan xuquuq kasta oo ay ku yeelan doonaan dowladda Puntland.

5 Comments

  1. Lashecel says:

    Meeshaan ma beellaa puntland miciin baadeey. Dadkan beer miyiga meesha ha ku dhamaynina. Miyaaneey horta puntland ciidamo u dagaalama lahyn??

  2. Anonymous says:

    Gusjecel, puntland waxay leedahay ciidamo kuwii wasi lahaa adiga iyo hooyadaa iyo iidoor oo dhan

    • hargeisa young boy says:

      waar nio wah la hadh hadaad wax hayso la kaaalay fagaaraha mxd la ceytamysaa mise wxd quudhi la’dahay afarten reeer miyiga ah ee lasooo ururiyay ee baad iyo biyo tooona haysan inad kala baqayso ciidanka qaranka jamhuuriyada somaliland waa reeer miyiga meesha haku dhamynina hdaaad idinku rag tihiin sooo gala dagaal maxaa reer miyi keenay meesha

    • shaqsiyad xun oo cayda xoog u taqaana baad tahay ee haddaad wax garanaso fikir keen cay waxba kuu tari mayso e. waxaan u malaynayaa kuwa khaniisyada ee europe dabada ku dhiibtaad tahaye

  3. ASMAA says:

    ceydadaaya.loomabaahna.waxcaydaah.ragbaatihiinewainaadxalkeentaan.dagaalwiilkumadhasheewaa kudhimtaa wainaaxallagagaaraa

Leave a Comment