DEG DEG+DAAWO:Beelo hor leh oo kala baxaya Ciidamadooda jiidaha hore ee dagaalka deegaanka Tukaraq & Muuse Biixi oo farta dhexda ka qaniinaya kadib markii…….

LAASCAANOOD(P-TIMES)- Wararka Warsidaha Puntlandtimes.com uu ka helayo magaalada Boorame ee xarunta gobolka Awdal ayaa sheegaya in Beesha Samaroon ay kala bixi doonto jiidaha hore ee dagaalka Tukaraq ee gobolka Sool ciidamadooda ku sugan deegaankaasi.

Arintani ayaa timid kadib markii wada tashi iyo shirar gaar gaar ah ay uga socdeen waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka Beesha Samaroon (Gada Biirsi) muddooyinkii ugu dambeeyey gudaha magaalada Boorame. RIIX HALKAN OO KA DAAWO MUUQAALKA

Sidoo kale waxgaradkani ayaa isku af gartay in qodobo ay kasoo saaraan tagitaankii deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool Proff. Axmed Ismaaciil Samatar oo dhawaan booqasho ku tagay jiidaha hore ee deegaanka Tukaraq, iyadoona safarkiisaasi hore u cambaareeyeen qaar kamid ah waxgaradka Beesha Samaroon iyo Proff. Cabdi Ismaaciil Samatar oo ay walaalo yihiin.

Qaar kamid ah waxgaradka iyo salaadiinta Beesha Samaroon ayaa hore u sheegay in ciidamadooda ay kala bixi doonaan deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool kadib markii ay ka garwaaqsadeen duulaanka xaqada ah ee lagu soo qaaday deegaanada Puntland.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa arintani dhabar jab xoogan ku tahay maamulkiisa, waxaana xusid mudan in hore deegaanka Tukaraq ay uga baxeen ciidamada Beesha Gar-xejis oo iyagu sheegay in aysan dagaalka Tukaraq kula socon maamulka Muuse Biixi.

Hal Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan “DEG DEG+DAAWO:Beelo hor leh oo kala baxaya Ciidamadooda jiidaha hore ee dagaalka deegaanka Tukaraq & Muuse Biixi oo farta dhexda ka qaniinaya kadib markii…….

  1. BEEN WAAYE..MEESHAAN SIDA PUNTLAND BEELO KAMA SHAQEEYAAN EE WAA CIIDAMADA REGLIGA EE SOMALILAND OO SHAQAALE AH. ASKARI WAAYE, ASKARINA AMAR BUU KU SHAQEEYAA EE ODEEY DHAQAN UMA SHAQEEYO..BEELAHA PUNTLAND SOO URURISEEY BAL HA LA ARKO INTEEY HALKAAS JOOGAAN..HADDAANEYBA IS LAYN IYAKU

    Reply

Halkaan Ku Qor Fikirkaada