DEG DEG+DAAWO:Ciidamo ka tirsan Somaliland oo hada ka baxay Jiidaha hore ee Tukaraq & Deegaanka ay ku wajahan yihiin

TUKARAQ(P-TIMES)- Wararka ka imaanaya jiidaha hore ee deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool oo ay weli ka taagan tahay xiisado dagaal oo u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland ayaa sheegaya in goor dhoweyd ay iskaga baxeen deegaankaasi ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Somaliland, kuwaas oo sida la sheegay u jihaastay dhanka degmada Taleex ee gobolka Sool.

Weli ma cada ujeedka ciidamadani ka tirsan Somaliland ee ku wajahan dhanka deegaanka Taleex, waxaase soo baxaya warar sheegaya in loogu tala galay ciidamadan sidii ay colaad uga dhex hurin lahaayeen Beelaha wada deegaanka Taleex kadib dhacdadii ka dhacday deegaanka Dhoodida ee gobolka Sool oo ay sii huriyeen masuuliyiin ka tirsan Somaliland. RIIX HALKAN OO KA DAAWO MUUQAALKA

Halkaan Ku Qor Fikirkaada