DEG DEG+DAAWO:Dagaalkii Tukaraq oo war cusub kasoo kordhay & Maxaabiistii lagu qabtay oo la sheegay in Somaliland ay…..

HARGEYSA(P-TIMES)- Kadib markii uu kulan kula qaatay magaalada Hargeysa madaxweynaha maamulka Somaliland xubno ka socda Laan qayrta CAS amaba Bisha Cas ee dalka Ingiriiska ayaa sheegaya in uu soo dhoweynayo Mr. Biixi baaqii dhawaan kasoo yeedhay Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaas oo ahaa in xabad joojin la kala dhex dhigo ciidamada Puntland iyo Somaliland isla markaasna wada hadal lagu dhameeyo xiisadaha deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool. RIIX HALKAN OO KA DAAWO MUUQAALKA

Hogaamiye Muuse Biixi oo isagu dhankiisa ka duulayey xal u raadinta xaaladaha haatan soo food saaray maamulkiisa oo Kow ay ka tahay xiisada deegaanka Tukaraq ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin ka maamul ahaan nabad iyo daganaansho ka is qaada mandqada goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn, isagoona xusay in uu ka xigo wada hadal xaaladda gobalka Sool oo ay isku hayaan Puntland iyo Somaliland.

Mr. Biixi ayaa dhanka kale sheegay in ay taasi dhinacooda diyaar u yihiin laakiin dhigiisa Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayuu ku eedeeyey in uusan diyaar u ahayn wada hadal nabadeed oo ku aadan gobolka Sool, waxaana saraakiil ka tirsan madaxtooyada Somaliland oo kulankaasi ka qayb galay ay u sheegeen Puntlandtimes.com in uu Muuse Biixi balan-qaaday in dhamaan maxaabiista dagaalka Tukaraq ee hada ku jirta gacanta maamulkiisa ay u ogolaanayaan in ay eheladooda arkaan oo ay la kulmaan xili hore loogu diiday in dadkaasi ay la kulmaan eheladooda.

Xaalada deegaanka Tukaraq ayaa sii xoogaysanaysa mar walba, waxaana Puntland ay hore u sheegtay in wada hadal aysan ka gali doonin gobolka Sool maadaama gobolkaasi uu kamid yahay goboladda Puntland.

 

Hal Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan “DEG DEG+DAAWO:Dagaalkii Tukaraq oo war cusub kasoo kordhay & Maxaabiistii lagu qabtay oo la sheegay in Somaliland ay…..

  1. walii ma arak website ka been badan puntlandtimes nimaayahow qayaliiga umadiin aad ku sexiinesan maad ka deysan walii in uu farahaa ka baxay waad uu jeedaane tubta dadka uu tabiiyaa allow ceeb astur hadeyney runta uushegiin dadkina baal madow baad galeesan nimaankina iskale webkan sababto ah dadkii ba been ku sexiisen meshes wax ka jiira wey iska cad yihiin labo awoodod oo kala sareesa ayaa muqataa

    Reply

Halkaan Ku Qor Fikirkaada