DEG DEG+DAAWO:Gadiid Dagaal oo laga qabsaday Somaliland & Kuwa kale oo la gubay + Maxaabiis la dhigay Xabsiyada Garoowe

GAROOWE(P-TIMES)- Wararkii ugu dambeeyey ee Warsidaha Puntlandtimes.com uu ka helayo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in ciidamada difaaca Puntland ee ku sugan aaga deegaanka Dhoodida ee gobolka Sool ay gacanta ku dhigay qaar kamid ah gaadiidka dagaalka ciidamada maamulka Somaliland halka mid kamid ah gaadiidkaasi ay gubeen.

Ciidamada Puntland ayaa gaadiidka ay ka qabsadeen Somaliland waxaa lagu sheegay in ay ahaayeen nooca dagaalka, waxaana gaadhigaasi oo ahaa Xaajiyad qori uu saaran yahay loo gudbiyey dhanka magaalada Garoowe ee caasimada Puntland halka goobtaasi oo uu ka dhacay dagaal dhex maray ciidamada Puntland iyo Somaliland lagu gubay gaadhi kale oo nooca dagaalka ah. RIIX HALKAN OO KA DAAWO MUUQAALKA

Saraakiisha ciidamada difaaca Puntland ayaa sheegaya in gudoomiyayaal, saraakiil ciidan iyo sidoo kale madax ka tirsan maamulka Somaliland ay gacanta ku dhigeen xili ciidamada Puntland hawlgalo ka samaynayeen deegaano hoostaga degmada Taleex ee gobolka Sool.

Is rasaaseyn dhex martay labada dhinac ayaa la sheegay in ay sababtay dhimasho iyo dhaawac, waxaana ciidamada difaaca Puntland ay gacanta kusoo dhigeen Gudoomiyihii degmada Taleex ee maamulka Somaliland Saleebaan Food Xaaji Diiriye oo dhaawac uu soo gaadhay iyo saraakiil ciidan oo ka tirsan maamulka Somaliland, iyagoona qaar kale ay ku naf waayeen dagaalkaasi.

Halkaan Ku Qor Fikirkaada