DEG DEG+DAAWO:Madaafiic xoogan oo laga maqlayo jiidaha hore ee Tukaraq + Musharaxiin Shidaal & Rasaas ku daad gurnaya furimaha

TUKARAQ(P-TIMES)- Wararkii ugu dambeeyey ee Warsidaha Puntlandtimes.com uu ka helayo jiidaha hore ee dagaalka deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in rasaas xoogan iyo madaafiicda goobta dagaalka laga maqlayo furimaha dagaalka Tukaraq.

Madaafiicdani oo ay is waydaarsanayaan ciidamada difaaca Puntland iyo kuwa maamulka Somaliland ayaa waxaa laga maqlayaa inta badan gudaha deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, waxaana aan si dhab ah loo ogeyn khasaaraha ka dhashay madaafiicdaasi. RIIX HALKAN OO KA DAAWO MUUQAALKA

Sidoo kale jiidaha hore ee dagaalka deegaanka Tukaraq ayaa waxaa iyaguna gaadhay qaar kamid ah musharaxiinta u taagan qabashada xilka madaxtinimada Puntland, waxaana kulan dhex maray saraakiisha ciidamada Puntland iyo musharaxa madaxtinimada Puntland ee doorashada 2019 Korneyl Jibriil Maxamed Yuusuf oo isagu booqday furimaha dagaalka Tukaraq ay isla qaateen in la taageero ciidamada difaaca Puntland.

Musharaxa ayaa sheegay in uu ugu deeqayo ciidamada Puntland shidaal gaadhaya 100 Foosto oo shidaal ah, rasaasta nooca dagaalka ah iyo sidoo kale Raashin taas oo hor dhac u noqon doonta qorshayaasha musharax kaga aadan difaaca Puntland.

 

Leave a Comment