DEG DEG+DAAWO:Muuse Biixi oo hoosta ka xariiqay qorshe uu iskaga hor keenayo Reer Buuhoodle & Dagaalkii Tukaraq oo xeelad kale isku badalay + Kala fur furida Beelaha oo…..

HARGEYSA(P-TIMES) –Xoggo hoose oo ay ka helayso Puntlandtimes.com madaxtooyada maamulka Somaliland ee magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in hogaamiyaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu haatan bilaabayo qorshe uu rabo in uu ku kala dhantaalo awooda ciidamada iyo shacabka deegaanka Buuhoodle, kadib culaysyo badan oo kasoo wajahay Mr. Biixi deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Muuse Biixi Cabdi oo xiligani maamulkiisu ku sugan yahay xaalad adag ayaa hoosta ka xariiqay in uu isku shaandheyn ku samayn doono gollihiisa wasiiradda si uu iskaga dulqaado culaysyada saaran, taas oo cadeyn u ah in hogaamiye Muuse Biixi uu qaadatay taladii uu u soo jeediyey Daahir Riyaale Kaahir oo mar madaxweyne kasoo noqday Somaliland kadib kulan ku yeesheen gudaha magaalada Hargeysa. RIIX HALKAN OO KA DAAWO MUUQAALKA

Xubnaha isku shaandheyntani kasoo dhex muuqan doona ayaa waxaa kamid ah wasiirka hawlaha guud iyo guriyeyta Somaliland C/rashiid Ducaale Qambi kaas oo laga dhigi doono wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, halka isna wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ee haatan Maxamed Kaahir Axmed loo magacaabi doono wasiirka wasaaradda arrimaha dibedda maamulka Somaliland.

Sidoo kale waxaa iyaguna xilal muhiim ah ka qaban doona maamulka Muuse Biixi siyaasiyiinta Beesha Gar-xejis oo si weyn uga soo horjeeda maamulka Biixi, waxaana xilka loo magacaabi doono Mr. Qambi la sheegay in Muuse Biixi uu doonayo sidii uu iskaga hor keeni lahaa bulshada ku dhaqanka deegaanka Buuhoodle si fur fur siyaasadeed oo kala dhex dhigo beelaha wada dega deegaankaasi.

Qorshaha ka dambeeya magacaabista Qambi ayaa sidoo kale lagu sheegay sidii uu xasarad u kala dhex dhigi lahaa ciidamada Buuhoodle ee haatan ku sugan jiidaha hore ee deegaanka Tukaraq si ay qayb uga noqdaan hawlgalka xoreynta gobolka Sool, waxaa iyana meesha aan ka madhnayn in xilal kala duwan loo magacaabi doono siyaasiyiin waa weyn oo kasoo jeeda Beesha Gar-xejis si Muuse Biixi uu uga hortago fatahaadaha kacdoon ee kasoo wajahaya Beeshaasi.

Sarkaal ka tirsan madaxtooyada Somaliland ee magaalada Hargeysa oo la hadlay Puntlandtimes.com ayaa sheegay in xilalkooda ay waayi doonaan qaar kamid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolka Sool, kadib fashil xoogan oo kasoo wajahay Somaliland shacabka iyo waxgaradka gobolkaasi Sool oo iyagu xiligani si weyn uga soo hor jeestay maamulka Somaliland.

Magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland ayaa waxaa muddooyinkii ugu dambeeyey madaxa iskula jiray hogaamiyaasha Somaliland kuwaas oo qorshaynayey kala yaraynta xaaladaha iyo jaah wareerka soo wajahay maamulka Muuse Biixi.

HALKAN HOOSE RIIX OO KA AKHRISO KULANKII DHEX MARAY MUUSE BIIXI & DAAHIR RIYAALE

DEG DEG+DAAWO:Muuse Biixi oo laga tuurayo kursiga madaxweynaha Somaliland & Dagaal gacan ka hadal ah oo dhex maray isaga Iyo Madaxweyne ku xigeenkiisa……

Leave a Comment