DEG DEG+DAAWO:War cusub oo kasoo kordhay Jiidaha dagaalka Tukaraq & Muuse Biixi oo amar culus dul dhigay Ciidamada Somaliland + Xiisad Dagaal oo hor leh

TUKARAQ(P-TIMES) – Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa fariin culus dul dhigay ciidamadiisa xili ay sii xoogaysanayaan xiisadaha deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, isagoona faray in ay isku diyaarinayaan ciidamadiisu xaalad dagaal deg deg ah. RIIX HALKAAN SI AAD U DAAWATO MUUQAALKAN

Mr. Biixi ayaa sidoo kale faray taliyaha ciidamada maamulka Somaliland Gen. Nuux Taani Ismaaciil in uu tuugto askari kasta oo kasoo baxa jiidaha hore ee dagaalka Tukaraq, waxaana dhinac oo khadka Telephone kuwada hadlay ay isku af gartay in Somaliland ay xiligani qaado dagaal culus walowse ay jiraan ciidamo fara badan oo gadoodsan iyo sidoo kale kuwo kale oo iskaga baxay jiidaha hore ee dagaalka.

Caqabadaha ugu xoogan ee ku wareegsan maamulka Muuse Biixi ayaa waxaa kamid ah dagaalka Tukaraq iyo sidoo kale kacdoonada kasoo wajahay dhanka Beelaha ku abtirsada maamulkaasi, kuwaas oo iyagu si weyn intooda badan uga soo hor jeeda maamulka Muuse Biixi.

Dhanka kale ciidamada difaaca Puntland ayaa iyaguna isku diyaarinaya dagaalo culus oo ay ku qaadaan ciidamada Somaliland, waxaana deegaanka Tukaraq hada ka taagan xiisad dagaal oo hor leh taas oo sababi karta dagaal culus oo dhex mara dhinacyada Puntland iyo Somaliland.

DEG DEG+DAAWO:Muuse Biixi oo hoosta ka xariiqay qorshe uu iskaga hor keenayo Reer Buuhoodle & Dagaalkii Tukaraq oo xeelad kale isku badalay + Kala fur furida Beelaha oo…..

Halkaan Ku Qor Fikirkaada