DEG DEG+DHAGAYSO:Ciidamo cusub oo la wareegay magaalada Laascaanood & Cutubyo ka tirsan Ciidamada RRU oo kusoo wajahan dagaalka Tukaraq + Muuse Biixi oo….

TUKARAQ(P-TIMES)- Wararka Puntlandtimes.com ay ka helayso magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in guud ahaanba amaanka guud ee magaalada Laascaanood ay la wareegeen ciidamo hor leh oo ka tirsan kuwa maamulka Somaliland. RIIX HALKAN OO KA DHAGAYSO WARKAAS OO DHAN

Ciidamadani la sheegay in amaanka magaalada Laascaanood la wareegeen ayaa kamid ah ciidamada RRU kuwaas oo Laascaanood soo gaadhay markii uu Muuse Biixi shaaciyey in uu safar ku tagi doono deegaanada Ceel Afweyn iyo Tukaraq, waxaana baaqashadii safarkii Biixi kadib ay weli kusii sugnaadeen ciidamadani magaalada Laascaanood.

Wadooyinka waa weyn iyo goobaha ay ku kulmaan bulshadu ayaa la sheegay in maalintii shalay ahayd ay lasoo dhoobay ciidamadani, waxaana sidoo kale qaybaha kala duwan ee magaalada Laascaanood lagu daadiyey ciidamo kale oo ka tirsan kuwa Booliska Somaliland kuwaas oo la sheegay in ay ka hortagi doonaan wax kasta lidi ku ah maamulka Muuse Biixi.

Qorshaha ay u joogaan ciidamada RRU magaalada Laascaanood ayaa lagu sheegay in qayb ka qaadan doonaan dagaalada Somaliland iyo Puntland hadiiba mar kale la isku fara saaro deegaanka Tukaraq, waxaana hada soo wajahay ciidamadani baqdin xoogan iyo kala shaki soo kala dhex galay iyaga iyo ciidamadii hore u joogay magaalada Laascaanood ee kasoo jeeda gobolka Sool.

 

4 Comments

  1. Guluf says:

    Puntland waa inay musa shaani laascaano udiidaan. Waa Inuu markuu hargaysa kasoo Dhaqaalo cida mada tukaraq dhaafaan. Hadii kale anight cidanka Ii dhiiba muse Anaa soo qaban. Waan aqaan qaabka loo qabto wuxuushkan.

  2. Puntland waxaa moodaa davaalkeedii inuu isugu soo biyo shubtey tv yada. Meeyey zoreybtii gobolka sool ma saam bey ku soo ilaatey. Adeerayaakoow naga daaya marin habaabinta aad nagu wadaan ama ficil ama usa xiixa gobolka sool dhamaantiis.

  3. Halgan says:

    Madaxda puntland siiba kuwa madaxweynaha qabta go aan malaha 11 sano waxbaa laxorayn jaanis kii uguwayn aa. Horgalada waa 10 nin bay uyeeraysan waayeen. Halka jeegaanta. Lacagsii so Marka puntland siiba. Faroole gaas way gacan adag yihiin. Iskuna kalsoona baqdin hoosaad kujirata. Shacabka ciidanka way niyad jabiyaan idoorka. Way kabaqaan. Jaaniska Gaas iyo cameey soo maray. Mardanbe heli ma ayaan. Iyo shacab isku duuban. Wana taariikh darood tii ugu xumayd. Waliba hartiga. Buugtaa lagu qorayaa. Gaas isagoo leh mashruuc. Iyo hay ad baan lashiran buu waqtiga ka dhamaan. Allaah ha unaxariisto cabdulaahi yusuf Geesi buu ahaa aan cadawga I jilicsan ay n. Waxaa kadanbeeya y kuwa qof mucaarada ama horgale aan lahadli karin. Walee hadii gaalkcyo laqabsado inuu San difaac een gaas .saa shacabkii laascaanood.garoowe uyeedhay bay garoowe fadhiyaan. Cajiib cajiib cajiib

  4. meeshatan dagaali kama socdee wax run ah malahaaya

Leave a Comment