DEG DEG+DHAGAYSO:Dagaal culus oo ka qarxay jiidaha hore ee deegaanka Tukaraq & Ciidamada Somaliland oo rasaas iskala daalay

GAROOWE(P-TIMES) – Wararkii ugu dambeeyey ee Warsidaha Puntlandtimes.com uu haatan ka helayo jiidaha hore ee deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in dagaal uu ka dhex qarxay ciidamada Somaliland gudahooda kadib markii ay damceen qaar kamid ah ciidamadaasi in ay la goostaan gaadiid dagaal isla markaasna ay iskaga baxaan jiidaha hore ee deegaanka Tukaraq…… RIIX HALKAN OO KA DHAGAYSO CODKA

Dagaalkani oo soconayey saacad ku dhowaad ah ayaa waxa uu sababay khasaarayaal kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana la sheegay dagaalkani in uu ka dhacay Buura Laba Madaxley oo saldhig ciidan u ah ciidamada Somaliland.

Qaar kamid ah dadka deegaanka Tukaraq oo la hadlay Puntlandtimes.com ayaa sheegay in ay arkeen gaadiid nooca gurmadka deg deg ah ee loo yaqaano Ambulance-yada oo dhowr ah kuwaas oo kasoo baxaya taliska ciidamada Somaliland ay ku leeyihiin deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool. 

Inta badan marka ay dhacaan dagaal u dhaxeeya ciidamada gudahooda amaba dagaalo kale oo u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland ayaa waxaa dhaawacyada iyo maydadka ciidamada Somaliland la mariyaa wado u dhaxaysa deegaanada Gooja Cadde iyo Oog si aysan shacabka gobolka Sool iyo warbaahintuba wax xog ah uga helin khasaaraha soo gaadhay ciidamadooda.

Habeen ka hor ayey ahayd markii uu dagaal ka dhex qarxay ciidamada Somaliland gudahooda kadib markii uu damcay sarkaal ka tirsan ciidamada Somaliland in uu la goosto gaadhi nooca dagaalka ah, waxaana daagal dhex isaga iyo ciidamo kale halkaasi oo uu ku naf waayey sarkaalkaasi ka tirsanaa ciidamada maamulka Somaliland.

Leave a Comment