DEG DEG+DHAGAYSO:Saraakiisha Ciidamada Puntland & Somaliland oo jiidaha hore ee dagaalka Tukaraq ku shirsan + Dagaal

GAROOWE(P-TIMES)- Wararkii ugu dambeeyey ee Warsidaha Puntlandtimes.com uu haatan ka helayo jiidaha hore ee dagaalka Tukaraq ee gobolka Sool oo ay isku hor fadhiyaan ciidamada Puntland iyo Somaliland ayaa sheegaya in furimaha dagaalka ay xiligani ka socdaan kulamo iyo shirar gaar gaar ah oo u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo Somaliland. RIIX HALKAN OO KA DHAGAYSO WARKAAS OO DHAN

Kulamadani oo iyagu cid walba si gaar gaar ah u qabsanayso ayaa waxaa la sheegay in ay salka ku hayaan qaabkii la iskugu diyaarin lahaa dagaalo culus, taas oo ka dhigan in dhinacyada Puntland iyo Somaliland uu mid walbaaba dhankiisa kawado xiisad dagaal.

Saraakiisha ciidamada Puntland ayaa qorshaynaya weeraro iyo dagaalo cusub oo ay ku bartilmaameedsan doonaan ciidamada Somaliland halka saraakiisha ciidamada Somaliland ay iyaguna kawada tashanayaan sidii ay iskaga difaaci lahaayeen isla markaasna meesha looga saari lahaa khilaafyo xoogan oo u dhaxeeya gudahooda.

Madaafiicda goobta dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa dhinac walba uu diyaarsaday, waxaana heegan ku jira ciidamada Puntland oo laga yaabo in ay qaadaan dagaal culus.

Xaalada deegaanka Tukaraq ayaa caawa kacsan waxaana xili walba dhici kara dagaal culus maadaama ciidamada Puntland ay xiligani haystaan fursad ay ku wajihi karaan ciidamada Somaliland ugana qabsan karaan magaalada Laascaanood.

 

2 Comments

  1. Hanad says:

    Asc wr wbr walal benta inaga daya waxaa tihiin halkan wararka ka radsona.

  2. khaladaad badan iyo hadalo is burinaya website-kaan ka soo yeedha. MAR HORE WAXAY ISTICMAALEEN MALEESIYAADKA SOMALILAND, HADDANA WAXAY QORAYAAN CIIDAMADA SOMALILAND. MA WAALAN YIHIIN .. LABDA JEER MIDKEEY KHALDAN YIHIIN.. MA CIIDAMO IYO MALEESIYAAD BAANEEY BA KALA AQOON.

Leave a Comment