DEG DEG+DHAGAYSO:Taliska Gambadhe ee Somaliland oo madaxa la iskula jiro & Saraakiil ka shiraysa dagaalkii ugu cuslaa oo ka dhaco deegaanka Tukaraq kadib markii…..

LAASCAANOOD(P-TIMES)- Warsidaha Puntlandtimes.com ayaa ogaaday in ay kusugan yihiin magaalada Laascaanood & deegaanka Gooja-Cade wafti ka yimid magaalada Hargeysa, kuwaas oo ka socday madaxtooyada Somaliland, ujeedaduna tahay sidii ay u ogaan lahaayeen xaaladdaha ka taagan deegaanka Tukaraq una dhisi lahaayeen mooralka ciidamadaas oo jab kasoo gaaray weeraradii ugu dambeeyey. RIIX HALKAAN SI AAD U DHAGAYSATO

Waftigan oo ay kamid yihiin Agaasimaha Madaxtooyada Somaliland, La taliyaha khaaska ah ee Muuse Biixi oo ah Prof, Axmed Ismaaciil Samatar iyo taliyaha ciidamada Booliska Somaliland ayaa maanta tagay deegaanka Gambadha, waxayna kulamo la yeesheen saraakiisha ciidamada maamulkaas oo isku hayey arimaha dagaalka Tukaraq.

Halkaan Ku Qor Fikirkaada