DEG DEG+DHAGEYSO: Somaliland oo cadaadis ku saaraysa IGAD, QM & DF Soomaaliya in laga baajiyo dagaal kaga soo wajahan Puntland

HARGEYSA(P-TIMES) – Faahfaahin dheeraad ah ayay Puntlandtimes.com ka heshay dadaal iyo dalab xoog leh oo ay wado Maamulka Somaliland iyo xubno katirsan dawladda Faderaalka Soomaaliya oo ka soo jeeda deegaanadaas oo ay ku doonayaan in lagu baajiyo dagaal ka dhaca gobalka Sool, waxaana dadaalkas uu gaaray heerkii ugu sareeyey.

Ra`iisulwasaare kuxigeenka Xukuumada Faderaalka ee Soomaaliya Mahdi Maxamuud Guuleed ayaa wada dadaalka ugu xooga badan ee uu ku doonayo in lagu baajiyo dagaal ka dhaca gobalka Sool, wuxuuna xoogiisa oo dhan iskugu geeyey sidii looga dhaadhicin lahaa qorshahaas Beesha Caalamka….RIIX HALKAAN SI AAD U DHAGEYSATO

Hal Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan “DEG DEG+DHAGEYSO: Somaliland oo cadaadis ku saaraysa IGAD, QM & DF Soomaaliya in laga baajiyo dagaal kaga soo wajahan Puntland

  1. maxay tahay sababta ay somaliland u raadineyso nabadda, puntland-na markasta collaad qabyaaladeysan ugu baaqeyso?? Puntland waxay wadaa dagaal afka keliya ah oo ay ku jaahwareerineyso beesha dhulbahante. weligeed dagaal ciidamada somaliland ku soo qaadi mayso oo way aragteey khasaaraha ka soo gaadheey. haddana iyagaaba sheegay inay maslafeen (bankcrupt) oo aanay dagaal sii wadi karin. ninka gacanta sare iyo aragtida dheer leh baa sideedaba nabadda raadiya. ciidamo beeleedyada jiidda hore fadhiyaa weligood dagaal soo qaadi maayaan, haddaay soo qaadaanna way jabayaan waayo waxaa kasoo horjeeda ciidamo dawladeed oo aad hubaysan. puntland waxan ka maqlaa beesha cumar maxamud baa ciidamo soo diretey, beesha naleeye ahmed baa dhowr gaadhi oo tekniko ah soo dirtey, beelaha buuhoodle oo hub iyo lacag la weydiisteey. WAAR WAXAAS DAGAAL LAGUMA GALO YAANU MAJEERTEEN GAALKACAYOBA KASOO CARAREEY IDIN LUGOONIN…MARKA RAADINTA MUDO KORORSIGU DHAMAADO PUNTLAND IYADAA NABADDA RAADIN DOONTA. WAAD ARKI DOONTAAN

    Reply

Halkaan Ku Qor Fikirkaada