WAR DEG DEG AH:Jiidaha hore ee deegaanka Tukaraq oo Rasaas xoogan hada ka dhacayso & faah faahino laga helayo….

LAASCAANOOD(P-TIMES)- Wararkii ugu dambeeyey ee saaka ay ka helayso Puntlandtimes.com jiidaha hore ee deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in aroortii hore laga maqlayey dhawaqa rasaas xoogan oo ay is waydaarsanayaan ciidamada difaaca Puntland iyo kuwa maamulka Somaliland oo weli isku hor fadhiya deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Is rasaasayntani oo aan wax xog ah laga haynin khasaaraha ay gaystay ayaa kadib waxaa la sheegay in xaalad kacsan laga dareemayo deegaankaasi Tukaraq iyo cabsi xoogan taas oo sababi karta dagaal culus oo dhex mara ciidamada Puntland iyo Somaliland.

Madaxda labada dhinac ee Puntland iyo Somaliland ayaa warbaahinta isku marinayey maalmihii ugu dambeeyey hadalo kul kuluuul iyo hanjabaado culus oo ka dhan ah midba midka kale.

 

Halkaan Ku Qor Fikirkaada