WAR DEG DEG AH:Madaafiic laga maqlayo Tukaraq & Dagaal goos goos ah oo ka dhacay

GAROOWE(P-TIMES)- Wararka Warsidaha Puntlandtimes.com uu ka helayo deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in dagaal goos goos ah iyo madaafiic xoogan maanta ay ka dhaceen deegaankaasi Tukaraq, kuwaas oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo Puntland.

Dhawaqa hubka noocyadiisa kala duwan iyo madaafiic cul culus ayaa laga maqlayey gudaha deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, iyadoona ilaa hada xog rasmi ah aanan laga haynin khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi.

Ciidamada Puntland iyo Somaliland ayaa weli isku hor fadhiya deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, waxaana dhinac walba uu wadaa diyaar garow xoogan kaas uu ku wajahayo kan kale.

4 Comments

  1. Anonymous says:

    Sxv 5 bilood baad nagu waday dagaal baa ka qarxi raba tukaraq fadlan markuu bilaabmo noo sheeg uun

  2. a says:

    been iyo fan ,rag dagaal dhibkiisa aqoon iga dheh.marka aad laascaanood aad qabsataan ee shicibku idiin sacab tumo ee Cabdi Calool iyo Madax madhan ka qudbadeeyo war kast qora inta ka horaysa waa faankii majarteen ee bidixda ka tallasanaya

  3. farah says:

    been iyo fan ,rag dagaal dhibkiisa aqoon iga dheh.marka aad laascaanood aad qabsataan ee shicibku idiin sacab tumo ee Cabdi Calool iyo Madax madhan ka qudbadeeyo war kast qora inta ka horaysa waa faankii majarteen ee bidixda ka tallasanaya

  4. Anonymous says:

    Sxb warkaagu waa faan joogta ah
    Ee war kaa gadmaya la,imo meesha
    Xabad dhacaysa hadaad maqasho dagaal ha,uqaadan.. Ee wax hubso waa intaas Oo ay baraawo ahayde …. Dagaalna wax lagu farxo ma,ahee. Wariye. Wanaaga iyo nabadaynta ka,qaybqaado …

Leave a Comment