DEG DEG+DAAWO:Muuse Biixi oo laga tuurayo kursiga madaxweynaha Somaliland & Dagaal gacan ka hadal ah oo dhex maray isaga Iyo Madaxweyne ku xigeenkiisa……

HARGEYSA(P-TIMES) – Xoggo rasmi ah oo ay ka helayso Puntlandtimes.com madaxtooyada Somaliland ee magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in dagaal cusubi uu ka dhex qarxay madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo ku xigeenkiisa C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) kadib markii uu soo kala dhex galay khilaaf xoogani.

Khilaafkani ayaa la sheegay in uu salka ku hayo kulan dhex maray Mr. Biixi madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Riyaale Kaahin, waxaana ujeedka kulankaasi lagu sheegay in uu ahaa sidii madaxweyne Muuse Biixi iskaga ridi lahaa culaysyada kasoo wajahay dhanka Beesha Gar-xejis isagoona talo ka raadsaday Daahir Riyaale Kaahin oo mar madaxweyne kasoo noqday Somaliland. RIIX HALKAN OO KA DAAWO MUUQAALKA

Labada madaxweyne ayaa kawada hadlay culaysyada haatan soo food saaray maamulka Somaliland iyo caqabadaha haatan ku wareegsan xukuumadda Biixi, waxaana la sheegay in Mr. Riyaali uu u soo jeediyey Muuse Biixi in uu isku shaandheyn ku sameeyo gollihiisa wasiiradda isla markaasna ay kasoo dhex muuqdaan siyaasiyiinta ugu tunka weyn Beesha Gar-xejis si ay uga hor tagaan fatahaadaha kasoo wajahaya maamulkiisa dhanka Beesha Gar-xejis.

Kulanka madaxweyne Biixi iyo Riyaale oo dhacay ka hor inta uusan soo gaba gaboobin shirkii Beesha Gar-xejis ayaa waxa uu horseeday dagaal ka dhex qarxa Muuse Biixi iyo ku xigeenkiisa, waxaana ilo xoggo gaal ah oo la hadlay Puntlandtimes.com ay xaqiijiyeen in guud ahaanba Muuse Biixi ka joojiyey Mr. Saylici saxiixyadiisii iyo awoodiisii madaxweyne ku xigeen ee maamulka Somaliland.

Madaxweyne ku xigeen ee maamulka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) ayaa isaguna sidoo kale xidhiidhka u jaray madaxtooyada Somaliland, waxaana uu joojiyey shaqadii madaxtooyada iyo sidoo kale in uu ka xaadiro qasriga looga arimo maamulka Somaliland ee magaalada Hargeysa.

Hogaamiye Muuse Biixi ayaa ku andacoonaya in Saylici uu kow ka yahay kooxda kasoo hor jeeda ee duulaanka ku ah kursiga, waxaana muddooyinkii ugu dambeeyey soo if baxayey warar sheegaya in xilka laga qaadi doono madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi isla mar ahaan taana lagu badali doono madaxweyne ku xigeenkiisa.

Leave a Comment