DEG DEG:Wararkii ugu dambeeyey ee Jiida Tukaraq & Madaafiic xoogan u dhaxaysa Puntland Iyo Somaliland oo hada laga maqlayo

GAROOWE(P-TIMES) – Wararka Warsidaha Puntlandtimes.com ay ka helayso deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in ay jirto caawa cabsi laga qabo in ay dagaalamaan ciidamada Puntland iyo Somaliland ee weli isku horfadhiya jiidaha hore ee deegaanka Tukaraq.

Waxaa mararka qaar laga maqlayaa gudaha deegaanka Tukaraq rasaas goos goos ah iyo madaafiic dhacaysa taas oo argagax ku reebtay dad yar oo ku sugan deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Dhinacyada dagaalka u dhaxeeyo ayaa gurmadyo kala duwan gaadhayaan, waxaana mid kasta kan kale isku dayayaa in uu weeraro, waxaana muddooyinkii ugu dambeeyey sii kordhiyey xiisadaha dagaal ee u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland halka madaxda labada dhinac ay warbaahinta isku dhex marinayeen hanjabaado culus.

Wixii kusoo kordha wararkaasi kala soco WWW.PUNTLANTIMES.COM

DEG DEG+XOG:C/weli Gaas oo safar ugu amba baxaya dalka dibeddiisa & Dagaalo ku wajahan Somaliland xili Tukaraq uu ka dhacay

2 Comments

  1. Anonymous says:

    Dagalkasi maficina wayo somali manta dagal uma bahna hala jojiyo wada hadal ha lagudha meyo

  2. qoomanaa says:

    war hala eryo nacaska ushaqeeya b idoodka bahdir dhulkiibililiqsystey

Leave a Comment