Weerarkii lagu qaaday Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo lasoo af jaray & Dhimashada oo maraysa

MUQDISHO(P-TIMES)- Hay’adda ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa shaaciyay in lasoo af jaray weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen xarunta ay wada degan yihiin Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga dowladda Soomaaliya.

Labo Qarax ayaa ka dhacay halkaasi waxaana intaasi kadib gudaha u galay dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.

Dowladda Soomaaliya waxa ay sheegtay in la toogtay raggii weerarka soo qaaday oo tiradoodu aheyd 3 ruux.

Wasaaradda Warfaafinta ayaa sheegtay in hadda ciidamada ammaanka ay gacanta ku hayaan xarunta Wasaaradda isla markaasna lasoo af jaray hawlgalkaasi.

 

Halkaan Ku Qor Fikirkaada