DEG DEG+XOG:Garoowe oo madaxa ay iskula galeen Isimada Beelaha Isaaq & Harti + Dagaal lagu baaqay “Nabad ma jirayso inta Sool ay ku sugan yihiin ciidamada….

GAROOWE(P-TIMES)- Warsidaha Puntlandtimes.com wuxuu faah faahin dheeraad ah ka helay kulan khaas ah oo dhex maray ergo nabdeed oo ka timid magaalada Hargeysa iyo Isimada Sool iyo Sanaag gaar ahaana Garaad Saleebaan Garaad Maxamed iyo Garaad Cabdullaahi Cali Ciid oo ay kala hadleen arrimaha ku saabsan in la joojiyo dagaalka Tukaraq laguna dhameeyo wada hadal iyo is af garad.

Warsidaha oo la hadlay xubno ka qayb galay kulankaas ayey u sheegeen in Garaad Saleebaan Garaad Maxamed si toos ah ugu sheegay xubnahan in aysan marnaba aqbali doonin nabad iyo wada hadal, tan iyo inta ciidamada Beesha Isaaq ay ku jiraan taako kamid ah dhulka beeshiisa ee Dhulbahante.

Garaad Saleebaan wuxuu si cad u sheegay in dagaalka Tukaraq uusan aheyn mid siyaasadeed balse uu yahay duulaan lagu soo qaaday beeshiisa, wuxuuna u sheegay xubnahan ka yimid Hargeysa in cida duulaanka soo qaaday tahay Beesha Isaaq gaar ahaana Habar Awal & Habar Jeclo oo is kaashaday doonayana in ay xukun ku helaan dhiiga Shacabka Dhulbahante.

Garaad Cabdullaahi Cali Ciid wuxuu isna dhankiisa u sheegay xubnahan in aysan nabad jiraynin tan iyo inta Somaliland xaqiiqsanayso in deegaanada Sool, Sanaag & Cayn-ba yihiin dhul madax banaan oo dadkii lahaa ay talada leeyihiin kana waantoobaan sheekada gumaysigii Ingiriiska.

Jawaabtan ma aheyn mid ay filayeen Isimadda ka yimid Hargeysa ee ka socday dhanka Somaliland, waxayna dareemeen in cidda rasmiga ah leh abaabulka gobalka Sool ay tahay beelaha deegaankaas aysana haba yaraatee jiri karin wax laga qaban karro.

Isimadda ka yimi Hargeysa ayey u ahayd markii ugu horaysay ee ay la kulmeen Garaad Saleebaan Garaad Maxamed & Garaad Cabdullaahi Cali Ciid, waxaana muuqata in ay hadda wajaheen xaqiiqada dhabta ah ee ah in ay soo taabtaan cidda leh go`aanka dagaalka gobalka Sool.

Shalay ayey la kulmeen Isimada gobalka Nugaal iyo xubno hore madax u soo noqday oo ku sugan Garoowe kana wada hadleen arimaha dagaaladan laakiin ma jirto cadayn rasmi ah oo la xariirta wax laysku af gartay.

 

 

Hal Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan “DEG DEG+XOG:Garoowe oo madaxa ay iskula galeen Isimada Beelaha Isaaq & Harti + Dagaal lagu baaqay “Nabad ma jirayso inta Sool ay ku sugan yihiin ciidamada….

  1. ALLEYLEHE BAGGA..BAL MAXAY KA DOONEEN YAA U DIRSADEEY NABADDA IYO ERGADA AY SHEEGAYAAN. MEESHAAN DAWLADDA SOMALILAND IYO PUNTLAND BAA KU DAGAALAYA OO WAA LA OGYAHAY. DHAQAN MEELI UGAMA BANAANA..MARKEEY SOO NOQDAANA WAA XABSIGA LOO TAXAABAA SIDII BOQOR BUURMADOW OO KALE. SOOL & SANAAGTA AY SHEEGAYAAN MA KALIGOOD BAA LEH SOOW DHUL WADA DEGAN YAHAY OO LA WADA LEEYAHAY MA AHAN.

    Reply

Halkaan Ku Qor Fikirkaada