DEG DEG+XOG:C/weli Gaas oo safar ugu amba baxaya dalka dibeddiisa & Dagaalo ku wajahan Somaliland xili Tukaraq uu ka dhacay

GAROOWE(P-TIMES) – Xoggo rasmi ah ay ka helayso Puntlandtimes.com madaxtooyada Puntland ee magaalada Garoowe ayaa sheegaya in madaxweynaha Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas uu dhawaan safar ugu amba bixi doono dalka Belgium gaar ahaan magaalada Brussels ee caasimada dalkaasi.

Madaxweyne Gaas ayaa la sheegay in uu halkaasi kaga qayb gali doono shir weyne loog hadli doono arimaha dalka Soomaaliya kaas oo ay qayb ka tahay dowladda federaalka Soomaaliya iyo madaxda dowladd goboleedyada.

Dr. Gaas ayaa sidoo kale inta uu ku sugan yahay magaalada Brussels ee caasimada dalka Belgium waxa uu kulamo la qaadan doonaa madaxda dalkaasi iyo Jaaliyadda Puntland oo haatan si weyn ugu sii diyaar garowday soo dhoweynta madaxweynaha.

Hadaba marka laga yimaado arimahaasi waxaa iyaguna soo baxaya warar sheegaya in ka hor safarka madaxweyne Gaas ay dagaalo ku qaadi doonaan ciidamada Puntland malayshiyaadka Jeegaanta, kuwaas oo iyagu xiligani ku sugan qaybo kamid ah deegaanada Puntland oo dhawaan laga xoreyn doono.

Saraakiisha ciidamada difaaca Puntland ayaa isku raacay qorshaha dagaalka iyo nidaamka loo wajihi doono cadowga, waxaana dhawaan si toos ah u bilaaban doona hawlgalka xoreynta gobolka Sool.

Ciidamada difaaca Puntland ayaa iyagu xiligani ku jira heegaan xoogan, waxaana deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool hada ka taagan xaalad culus taas oo u dhaxaysa dhinacyada Puntland iyo Somaliland, walowse ay jiraan dagaalo dhex maray malayshiyaadka Jeegaanta gudahooda kadib khilaaf xoogan oo soo kala dhex galay.

RIIX HALKAN HOOSE OO HEL XORGTA DAGAALKA DHEX MARAY MALAYSHIYAADKA JEEGAANTA

DEG DEG+DHAGAYSO:Dagaal culus oo ka dhex qarxay Ciidamada Somaliland gudahooda & Saraakiil la goostay Gaadiid dagaal + Dhimasho Iyo Dhaawac laga soo sheegayo….

 

6 Comments

  1. waxa puntland intaasoo bilood ay horfadhideeey oo ku dhici kari waydeey ma maleesiyaad laba reer ah baa?? ileyn jeengaanta waxaa loo yaqaanaa HABARJECLO IYO HABARAWAL. Dee markkaa miyaan la odhan karin puntland wax awood military ah meesha kuma hayso mar haddii ay jeegaan keliya ah tukaraq keliya ka saari kari weydeey. tan kale dagaal baa qaadeeynaa mooyaane wax kale la idin kama hayo lixdii bilood ee la soo dhaafeey. DAGAALKA AMA WAA LA QAADAA AMA WAA LA ISKA AAMUSAA,

  2. TALEEX says:

    waa run waxaa jiraa is aaminid daro iyo xaasinimo iyo been yaa harti aheey yaa kablalax aheey yaa daaroodeey qoladii dhulbahantana waa jahwareeriyeen ama dagaalama ama na daaya majeerteenow waaba na laab kiciseen yaa hartiyeey ilaa labida baan noo balameey ma saas baa labi lagu tagaa dhulbahantoow yaan la isku kaaya bi’inin iidoor iyo dhabayaco ee aan u tashano SSC NO MORE QAATUMO CALI BIIRA QAATE BAAN U DEYNEY VIVA SSC FORCE SACIID HARTI

    • Majerteen says:

      Majerteen dan kama laha dhulbahante. .hadii laisku baahanyahay idinka u baahan majerteen. . majerteen iyo sayid ogaaden baa waligiin sharftiina ilaalinjiray.. isaaq bariis ku iibsateen sharaftiina 2018 maxaa moodaa waqtigii daraawiish ta oo cadaan ingiriiska baa dhulkina iyo sharaf siin lahayd haduu sayidka nai hogaamin .. dhulbahante dhulkiisa kiish bariis buu siisan hadu sayidka ogaadeen hogaamin.. vica qaatumo kuma laho,war calankasta sheego waligiin asajri mooyee caqli aad wax ku hogaamisaan ama sharaftiina ku ilaalshatan lama arag.. isaaq waa hore dhulkiina la wareegilahaa isagoo naila dagaalamin intuu xoogaa $ dollar odin siiyo ee majerteen bu idinkaga baqayay mooyee. . Majerteen waa dhul balaadha waa dad balaadham oo macdan iyo saliid dhulkooda ju jirto oo dekad leh ,marka majerteen baa u baahan dhulbahante mise dhulbahante u baahan majerteen is waydiiya. . Hadii dhinaca faaiidasa laga fiiriyo maxu majerteen ka faaiday dhulbahante wareer iyo dabadhilifnimo iyo jaajus mooye iyo canshuurtii magaalooyinka majerteen laidinku difaaco.. qaatumo cali galayr laftigiisa wuu ogaa dhulbahante hunguri inuu wax hogaaminkarin ee beentu naigu maaweeliyay calan qaatumo isaaq soo sameeyay…. dhulbahante waa qabiil, hal qabiil maamul gobaleed ma noqonkaro;Xawaadle sameesanlahaa hiiraan. .riyada qaatumo joojiya koleeba reero hunguri oo caqli yar waligiin ahayd. ..

    • Majerteen says:

      Majerteen maalin gudaheedaa kusoo qaban kartaa hargeysa lskin dhi ka jira waa dhulbahante munaafaq oo iyagoo dhexdooda iska baqaya calanka puntland iyo somaliland ku gambado iyagoo daacad u hayn xoreenta dhulkooda.. majerteen sirdoon badan buu leeyahay.. ciidamada puntland meel lahu dhabarjabinayo kuma dag dagayaan.. isaaqna naima rabo ee dhulkaiina buu rabaa isagaba wuu ogyahay waxu dhulbahante yahay,dhulbahante waxu yahay somali way ogtahay.. ilaahay ugu mahadiya sayidkii ogaadeen oo sharaftiina iyo dhulkiina difaacay,reer hunguri waa hore dhulkina iyo naahihiina siisanlaheed bariis ingiriiskii fada cadaa.. without majerteen waa hore adoonta isaaq noqon lahayd,kii dhulbahante isku dayo inuu wax hogaamiyo kan kale wuu ka daranyahay,ilaa taariiqda dhulbahante laguma hayo dhulbahante hunguri wax hogaamiyay askarimo mooyee.. cabdiwali gaas munaafaqnimada dhulbahante wuu ogyahay,isagoo magaalo dhulbahante booqday wali ma aragtay intuu xilka hayay? Waxaa tihiin kuwii yidhi “meeshan buuhoodle wax somaliland ma joogo marku madaxweyne ku xigeenka ku sugnas buuhoodle , marku camey naiga soo tagay buuhoodle waxay soo dhoweesay wafti somaliland,waa maalintii ku xigtay bal ka waran munaafaqnimada dhulbahante. . Mida kale waagii alshabaab soo weeraray nufaal iyo mudug cabdiwali gaas waxuu joogay dalka dibadiisa..marka cabdiwali gaas askari xabad wato ma ah waa madaxweyne ee meeshuu rabo usagoo joogo buu amar buxin,qasab ma ahan inuu garowe joogo..

    • Majerteen says:

      Munaafaqnimada dhulbahante waa taas ..sababta dagaalka u dhici la’yahay .. https://m.youtube.com/watch?v=ouqfWrNx48w

  3. sool says:

    ilaa iyo bishii koowaad buntland
    waxay lahayd laascaanood ayaan
    qabanaynaa waaba yaabayay buntland
    ayaa samaynkarta awalba waanaqaanay lakiin xoogaa
    dareen ayay yeesheen ayaan is nidhi hadana wax rajaa kama qabno
    ciidamada garoowe lageeyayna waa
    kuwo garoowe lagu ilaalinayo
    dadka meesha geeyay ciidamadooda
    waxaan leeyahay wakhtigu yuusan
    idinka lumine kalabaxa ciidamadiina
    meesha waxba kama jiraane

Leave a Comment