XOG CULUS:Ciidamada Somaliland oo saldhigyo ay kasoo duulaan ka samaysanaya deegaano dhaca Duleedka Garoowe & Dagaalkii Tukaraq oo gaadhay meel aan….

TUKARAQ(P-TIMES)- Xoggo hoose oo ay ka helayso Puntlandtimes.com magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool  ayaa sheegaya in saraakiisha ciidamada maamulka Somaliland ay qorshayaan sidii ay saldhigyo ciidan oo hor leh uga samayn lahaayeen ciidamadooda deegaano ka tirsan gobolka Sool.

Deegaanada haatan bartilmaameedka u ah ciidamada maamulka Somaliland ayaa waxaa kamid ah degmada Boocame ee gobolka Sool iyo deegaano kale oo hoos yimaada, xili weli sii xoogaysanayaan xiisadaha u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland ee deegaanka Tukaraq.

Guryaha Mashruuca degmada Boocame ee gobolka Sool ayaa la sheegay inta badan in ay xooga saari doonaan saraakiisha ciidamada maamulka Somaliland qaabkii ay saldhig ciidan uga samaysan lahaayeen halkaasi, waxaana fulinta qorshahani loo xil saaray shakhsiyaad taageersan maamulka Muuse Biixi kuwaas oo iyagu ciidamo ka tirsan Somaliland uu u qarameeyey madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Saldhigani ciidan ayaa la sheegay in lagu badali doono talista ciidamada Somaliland ay ku leeyihiin deegaanka Gooja Cadde ee gobolka Sool, waxaana xusid mudan in guryaha Mashruuca degmada Boocame ay yihiin deegaan aad u balaadhan kuna yaala gudaha degmada Boocame ee gobolka Sool.

Ujeedada ka dambaysa hirgelinta qorshahani ayaa la sheegay in ay qayb laxaad leh uga qaadan doonto ciidamada Somaliland duulaanada ay xiligani qorshaynayaan si ay weeraro ula bartilmaameedsadaan ciidamada Puntland.

Saraakiisha ciidamada Puntland oo iyaga laftirkooda qorshahani xog ka haya ayaa sheegay in ciidamadooda ay la wareejiyeen deegaano badan oo dhaca degmada Boocame ee gobolka Sool.

 

4 Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan “XOG CULUS:Ciidamada Somaliland oo saldhigyo ay kasoo duulaan ka samaysanaya deegaano dhaca Duleedka Garoowe & Dagaalkii Tukaraq oo gaadhay meel aan….

  1. Ciidanka Beesha Reer Mahad Ee (Cumar Maxamuud) Oo Gebi Ahaanba Iskaga Baxay Jiida Hore Ee DeegaankaTuka-Raq, Waxayna U Ruqaansadeen Saaka Xeradii Ay Markii Hore Ka Yimeedeen Oo Ku Taalla Deegaanka Godod Ee Gobalka Mudug.

    Ciidankii Ugu Tirada Badnaa Ee Tuka-Raq Ka Dagaalamayey Oo Ahaa Ciidankii Godod Ka Yimid Ayaa Waxay Saaka Ka Baxeen Furintii Dagaalka Tukaraq, Ciidankaan Oo Sida La Sheegay Haysta Hubka Culus Ee Puntland Yaalla, Ayaa Waxay Ay Tiradoodu Gaadhaysa Ilaa 900 Oo Askari (Sagaal Boqol Oo Askari).
    Saraakiisha Hogaaminaysa Ciidankan Ayaa Waxay Shegeen In Ay Iskaga Baxeen Dagaalkii Tuka-Raq Dib Dambena Aanay Ugu Soo Noqon Doonin Jiidaha Hore Ee Gobalka Sool, Maadaama Oo Aanay Meesha Ka Jirin Wax Dagaal Ah Ayna Joogeen Tuka-Raq Muddo 7 Bilood Ah.

    Sidoo Kale Waxa La Sheegay In Sababta Ciidanka Beesha Reer Mahad Uu Dagaalka Uga Baxay Ay Tahay, Kadib Markii Uu Cabdiweli Cali Gaas Xilalkii Ka Qaaday Dhammaan Masuuliuiinytii Iyo Saraakiishii Beesha Reer Mahad Ee Xilalka Ka Hayey Puntland, Kuwaaw Oo Kala Ahaa.

    1). Wasiirkii Waxbarashada Cali Xaaji Warsame.
    2). Taliyaha Ciidanka Birmadka Puntland Afdalow.
    3). Taliyaha Booliska Gobolka Mudug Beergeel.
    4). Xisaabiyihii Wasaaradda Maaliyadda Ee Gobolka Mudug.
    5). Afar Agaasime Waaxeed Oo Xilkii Laga Qaaday
    6). 5 Taliye Ku-Xigeen Oo Xilkii Laga Qaaday

    Waxaana Ugu Dambeeyey Xisaabiyihii Gobolka Mudug Oo Xilkii Laga Qaaday Dhawaan, Loona Magaacay Xilalkaasi Beelo Kale Oo Aan Weligood Difaacin Puntland.
    Cabdiwali Cali Gaas Ayaa Dagaal Toos ah kula jira Beesha Reer Mahad Oo Ah Laf Dhabarta Cumar Maxamuud , Aakhirkii Gaas Wuxuu Sababay In Maanta VCiidankii Difaaci Lahaa Puntland Ay Soo Baneeyaan Furintii Dagaalka, Iyada Oo La Sheegay In Ciidamada Kale Ee Puntland Ee Hadda Jooga Tuka-Raq Ay Iyaguna Iskaga Noqonayaan Saldhigyadoodii Hore Ee Ay Markii Horeba Ka Yimaadeen.

    Reply
  2. BaBA puntland. maaaHa jeeganta
    oo kla daadsan. waxn. Na peeenta dadka kla taG.

    waxn leeyahy marqanland.

    dhimasho qof kacabsada dagal magallo.
    pln kabaha ayaad kacarari doontan insha allah
    waa nala layey ayaa barateen hada la idin xasuuqi. badoW

    Reply
  3. Hadal kaasaanhooyaa shabakadani todoba bilood bay lahayd somaliland baanu ladagaalamaynaa beri beri beri taagan waa 7 monts maanta waxay soo qortay somaliland oo garoowe duleedkeeda ka qodanaysa dhufaysyo si ay garoowe weerar ugu soo qaado meeye ciidamadii aad maalinkasta lahaydeen furintay ku sii jeedaan ama afar maryacas ah oo gafuur buur ah oo afar boqol oo nin ah oo aad meelina ka soo sawirtaan garoowe agteeda maalina garoowe sokadeeday ahaayeen kkkkk

    Reply

Halkaan Ku Qor Fikirkaada