DHAGAYSO:Digniino culus oo loo diray wasiiradda cusub ee Jubbaland xili Madaxweyne Axmed Madoobe uu sheegay

KISMAAYO(P-TIMES)-Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in wasiirada cusub ee uu dhawaan magacaabay madaxweyne Axmed Madoobe in ay la yimaadaan shaqooyin dhab ah, wuxuuna sheegay in wasiiradii ka horreeyey ay shaqada meel wanaagsan soo gaadhsiiyeen iyana laga doonayo in ay suurta galiyaan in wasaarahooda ay yeeshaan xafiisyo ay ku shaqeeyaan. RIIX HALKAN OO KA DHAGAYSO CODKA

“Runtii aad ayaad u nasiib badan tihiin waayo waxaad soo gaarteen, iyada oo meel wanaagsan ay wax marayaan idinkana waxaa la idinka rabaa in ay sii dhaqaaqdaan waayo talaabo qaad ayaa loo baahan yahay,lamana aqbali doono waxqabad la’aan “ayuu yidhi madaxweyne ku xigeenka Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa dhawaan waxa uu isku-shaandheyn uu ku sameeyey gollihiisa wasiirada kadib sida uu shegay wada tashiyo uu sameeyey.

 

Halkaan Ku Qor Fikirkaada