WAR CUSUB: Ciidamo cusub oo lagu biirinayo Dagaalka Tukaraq oo ay la wareegeen Guddiga Difaaca ee Puntland

TUKARAQ(P-TIMES) – Wararka naga soo gaaraya deegaanka Tukaraq oo ay isku horfadhiyaan ciidamada Puntland & Somaliland ayaa sheegaya in halkaas markale ay maanta guddiga Difaaca ee Puntland kula wareegeen hub iyo ciidamo kamid noqonaya ciidamada difaaca ee maamulkaas, kuwaas oo hadda u diyaarsan sidii ay qeyb uga noqonayaan dagaalka Tukaraq.

Saacadihii u dambeeyey ciidamada labada dhinac ayaa lagu soo daabulayey deegaano cusub, waxaana xiisadaha iyo colaadaha ka aloosan cabsi laga qabi karaa in ay xili kasta dagaal isku rogikaraan, wariyaasha Puntlandtimes ee tagay jiida dagaalka ayaa sheegaya in ay arkayaan marxalad dagaal.

GOOR DHAW FILO FAAHFAAHIN DHEERAAD AH RIIX HALKAAN

Hal Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan “WAR CUSUB: Ciidamo cusub oo lagu biirinayo Dagaalka Tukaraq oo ay la wareegeen Guddiga Difaaca ee Puntland

Halkaan Ku Qor Fikirkaada