WAR DEG DEG AH:Madaafiic laga maqlayo Tukaraq & Dagaal goos goos ah oo ka dhacay

GAROOWE(P-TIMES)- Wararka Warsidaha Puntlandtimes.com uu ka helayo deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in dagaal goos goos ah iyo madaafiic xoogan saaka ay ka dhaceen deegaankaasi Tukaraq, kuwaas oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo Puntland.

Dhawaqa hubka noocyadiisa kala duwan iyo madaafiic cul culus ayaa laga maqlayey gudaha deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, iyadoona ilaa hada xog rasmi ah aanan laga haynin khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi.

Ciidamada Puntland iyo Somaliland ayaa weli isku hor fadhiya deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, waxaana dhinac walba uu wadaa diyaar garow xoogan kaas uu ku wajahayo kan kale.

Wixii kusoo kordha warkaasi kala soco PUNTLANDTIMES.COM

 

2 Comments

  1. Jamal says:

    Naga xishooda oo naga daaya beenta maalinkasta aad ku haysaan madfacbaa la riday anagu hadaan nahay shacabka puntland waan kala noqonay kal soonida xukuumada waayo waa nalaka adkaaday maalinkasta booto miyaan kawadaynaa tvyada tukaraqna 8 bilood maraysaa walaahay laascaanood iska daaye godqaboobe waa la qabsanayaa inta dagaalka laga baqayo meel lama gaarayo

  2. Guluf says:

    GAAS IYO CAMEEY HARTI. DHULBANTE WARSANGALI. DAROOD. PUNTLAND. TAARIIKHXUMO AYAY HORSE EDEN. UMALAYN MAAYO. IN PUNTLAND JIRIDOONTO. INTA JEEGEENTA DHULALAASHISIGA WADO. EE TARIIKHXUMADA. HARTI. BAY KALI KU AHAAN. ISIMADA .MADAXWEYNAHA. BAARLAMAANKA. ADUUNKA.TAARIIKH LAQODO TII UGU XUMAYD. WALIBA JEEGAANTA. ASHABAAB SUHUBAYNAYAAN. BOSAASO. GAROOWE GAALKACYO QARDHO. UMALAYN MAAYO. INAAD NABAD HELAYSAAN INTA CIIDANKA. HARGAYSA IYO GABILEEY KAYIMID. AAD LEEDIHIIN. TUKARAQ. WAX BAA KADHACAY.

Leave a Comment