WAR DEG DEG AH:Madaxweynaha Puntland oo goor dhoweyd gaadhay dalka Turkiga & Kulan uu la qaatay Madaxweyne Erdoğan

BRUSSELES(P-TIMES)- Wararka Warsidaha Puntlandtimes.com ay haatan ka helayso magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa sheegaya in goor dhoweyd uu gaadhay dalkaasi Turkiga madaxweynaha Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas.

Madaxweyne Gaas ayaa ku hakan doona dalkaasi Turkiga, isagoona C/weli Gaas la kulmay Madaxweynaha Turkiga iyo xubo ka tirsan Xukuumadiisa oo ay wada yeesheen kulan kooban oo is xog waraysi ah.

Saraakiil ka tirsan madaxtooyada Puntland oo la hadlay Puntlandtimes.com ayaa sheegay in madaxweynaha Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas uu u sii gudbi doono dalka Kenya halkaas oo uu kasii aadi doono magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Madaxweyne C/weli Gaas ayaa magaalada Brussels ee dalka Belgium kaga qayb galay Shir looga hadlayey arrimaha Soomaaliya kaas oo dalkaasi uga socday madaxda Soomaalida iyo Beesha Caalamka.

Leave a Comment