XOG CUSUB:Muuse Biixi oo dowladda Ingiriiska Gar Gaar biday & Xaalada Tukaraq oo dowladdo caan ah faraha lasoo galayaan

HARGEYSA(P-TIMES)- Warsidaha Puntlandtimes.com wuxuu ogaaday in uu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ka codsaday dawladda Ingiriiska in ay dhexd hexaadin ka gasho arrimaha Tukaraq, wuxuuna si gaar ah u soo qaaday dagaalada u dhaxeeya Puntland iyo maamulkiisa.

Madaxweynaha Somaliland oo la kulmayey xubno ka socda Laan qayrta CAS ee UK ayaa soo dhaweeyey baaqii dhawaan u soo jeediyey Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, wuxuuna sheegay in ay diyaar u yihiin nabad iyo daganaansho mandiqada ka hana qaada.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in uu diyaar u yahay wada hadal laga galo xaaladda gobalka Sool oo ay isku hayaan Puntland, isagoo sheegay in ay taasi dhinacooda diyaar u yihiin laakiin dhigiisa Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayuu ku eedeeyey in uusan diyaar u aheyn wada hadal nabadeed.

Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Somaliland oo kulankan ka qayb galay ayaa u sheegay Puntlandtimes.com in uu Muuse Biixi balan-qaaday in dhamaan maxaabiista dagaalka ee hadda ku jira gacanta maamulkiisa ay u ogolaanayaan in ay eheladooda arkaan oo ay la kulmaan, waxaana hore u dhacday in dadka oo dhan loo diiday.

Soo dabaca maamulka Somaliland ee ah in wada hadal laga galo xaaladda gobalka Sool ayaa la rumaysan yahay in ay ka dhigan tahay dabacii ugu weynaa, waxaana Puntland ay hore u soo jeedisay una ogolaatay in cod bixin xataa laga qaado shacabka gobalka Sool laakiin Somaliland ayaa fikraddan diidan iyadoo rumeysan in aysan waxba taageero ah ka heli doonin gobaladaas oo ay raaci doonaan Puntland.

Is haysiga iyo colaaddaha ayaa kusii kordhaya Tukaraq oo ay lixdii bilood ee lasoo dhaafay isku horfadhiyaan ciidamada maamulada Puntland iyo Somaliland, waxaana wel wel laga qabaa dagaal culus oo dhinacyada dhexmara kaas oo gaysan kara khasaaraha ugu badan.

 

 

Hal Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan “XOG CUSUB:Muuse Biixi oo dowladda Ingiriiska Gar Gaar biday & Xaalada Tukaraq oo dowladdo caan ah faraha lasoo galayaan

Halkaan Ku Qor Fikirkaada