XOG+DAAWO: Waa maxay Ujeedada Taliyihii ciidamada Booliska ee G Sool xilka looga qaaday, PTIMES oo heshay Xog qarsoodi ah.

LAASCAANOOD(P-TIMES) – Taliyihii hore ee ciidamada Booliska gobalka Sool ee Somaliland ayaa maanta xilka laga wareejiyey, waxaana ay Puntlandtimes.com ogaatay in sababta ka dambeysa ay tahay xogo qarsoodi ah oo ay horeuy u heshay Puntlandtimes.com kuna wajahannaa arrimaha dagaalada ka socda gobalka Sool.

Puntlandtimes.com waxay heshay in dhawaan G/sare Cabdirisaaq uu diiday amaro uga yimi taliyihiisa, gaar ahaana Xarunta dhexe ee Hargeysa oo lagu amray in uu ciidamadiisa galiyo magaalada, oo ay sameeyeen howlgalo lagu sheegay in la soo qabqabto shaqsiyaad kala duwan.

Gashaanle Cabdirisaaq wuxuu diiday in uu weeraro Caaqil Ahmed Hoolif iyo Waxgarad la aragti ah oo kusugnaa mid kamid ah guryaha magaalada oo ay kaga hadlayaan dagaalada Tukaraq, kagana soo horjeeedaan xukunka dhinaca Somaliland….RIIX HALKAAN SI AAD U DAAWATO

Sarkaal ka tirsan booliska Laascaanood oo ka gaabsaday magaciisa ayaa u sheegay Puntlandtimes.com in taliyaha la bedelay uu helay amar ah in hub ka dhigis lagu sameeyo ciidamo u dhashay deegaanka, sidaas oo kalena la amray in uu gurmad u noqdo maleeshiyaad lagu weeraray bartamaha magaalada, laakiin uu ka dhago-adeygay.

Taliyaha ciidanka Somaliland ee dhanka Booliska ayaa isku dayay in uu xilkan dib ugu celiyo G/dhexe Ibraahim Jaamac Daad, balse xog ay heshay Puntlandtimes waxay sheegaysaa in aan loo bandhigin aragtidaas G/dhexe DAAD, laakiin taladeda ay soo jeediyeen xubnaha qaarkood.

G/sare Cabdirisaaq oo ay la xariirtay Puntlandtimes.com si ay wax uga weydiiso arrimahan wuu ka gaabsaday in uu ka hadlo, isagoo marar badan ka jawaabi waayay mobilkiisa gacanta, haddana ugu dambeyn-na wuxuu sheegay in uusan diyaar u aheyn ka hadalka arrimahan.

Taliyaha hadda la ceyriyey wuxuu beeniyey kal hore weeraro lagu qaaday Saldhigyada ciidamada Bileyska ee Laascaanood, isagoo si indho la’aan ah u sheegay in aysan waxba ka jirin xili ay dadku ogaayeen xaqiiqada ka jirta magaalada…HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO

Sarkaalka cusub ee hadda loo magacaabay taliyaha qeybta Booliska ee gobalka Sool ookusime ahaan loogu dhiibay xilkan, waxayna ka dhigan tahay talaabo aan si feejigan looga fiirsin, waxayna Shacabka Laascaanood u arkaan fursad kale oo ay Somaliland lumisay, maadaama uusan ka soo jeedin deegaankan, taas oo ay arrin kale oo ay soo dhaweeyeen shacabku…...HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO

 

 

Halkaan Ku Qor Fikirkaada