XOG+DAAWO:Muuse Biixi oo baqdin darteed baajiyey safarkiisii Tukaraq & Laascaanood + Saraakiil ku dhawaaqday Xaalad dagaal oo…

HARGEYSA(P-TIMES)- Xoggo rasmi ah oo ay ka helayso Puntlandtimes.com madaxtooyada Somaliland ee magaalada Hargeysa ee sheegaya in uu baaqday safarkii Muuse Biixi ku taagi lahaa magaalada Laascaanood iyo degmada Tukaraq ee gobolka Sool oo haatan ay ka taagan tahay xiisad dagaal oo aad u xoogan. RIIX HALKAN OO KA DAAWO MUUQAALKA

Baaqashada safarka Biixi ayaa lagu sheegay baqdin la xidhiidha dagaalo ka dhici kara deegaanada Laascaanood iyo Tukaraq, waxaana war gelin uga timid hogaamiye Muuse Biixi taliyaha ciidamada Booliska maamulka Somaliland Cabdullaahi Fadal Iimaan kadib uu baajiyey Mr. Biixi safarkaasi, isagoona loo sheegay in xaalad kacsanaan ah ay ka jirto magaalada Laascaanood iyo deegaanka Tukaraq isla markaasna ay khal khal xoogan gali karaan amaankiisa iyo naftiisaba.

Hogaamiye Muuse Biixi oo ka duulaya war gelinta Mr. Fadal ayaa la sheegay in uu go’aansaday baajinta safarkiisii magaalada Laascaanood iyo degmada Tukaraq ee gobolka Sool, waxaana la sheegay in uu hada wixii ka dambeeya uu qorshayn doono safar dhanka dhulka ah oo uu ku tago deegaanka Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag si uu u kala dhex galo beelo kuwada dagaalamaya deegaankaasi.

Marka laga yimaado baaqashada safarkii Muuse Biixi ku tagi lahaa magaalada Laascaanood iyo jiida Tukaraq ayaa waxaa iyaguna dhambaalo hanjabaad ah ay kasoo baxayaan saraakiisha ciidamada Somaliland iyo Puntland oo mid walbaaba dhankiisa ku hanjabayo in dagaal culus ay ku qaadi doono kan kale.

 

 

Hal Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan “XOG+DAAWO:Muuse Biixi oo baqdin darteed baajiyey safarkiisii Tukaraq & Laascaanood + Saraakiil ku dhawaaqday Xaalad dagaal oo…

  1. muuse iyo baqid.ma majeerteen baad mooday? yaa lagu ciyaarayaa waar Muuse xabada oo sida roobka u dhacaysa ayuu yidhi tu aan lage qorin ku dili mayso.malaha waxaad ku khaldaysaa Gaas oo marka xabai dhacdo surwaalka iska badala waayo?wuu ku xaaray de.

    Reply

Halkaan Ku Qor Fikirkaada