XOG:Qalbi Dhagax & Axmed Madoobe oo kasoo muuqan doona meel aan laga fileyn + Madaxtooyada Jubbaland oo wada qorshe…..

KISMAAYO(P-TIMES) –  Warar aan ka helayno Madaxtooyada Jubbalanad ee magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) uu qorshaynayo in uu la kulmo C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo dhowaan laga sii daayey xabsi ku yaalo dalka Itoobiya.

Axmed Madoobe ayaa kamid ah masuuliyiinta Soomaalida ee sida aadka ah uga shaqeeyay qaabkii xoriyadiisa dib u heli lahaa muwaadin C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) oo kamid ah saraakiisha sare ee ururka ONLF, wuxuuna dhawaan ku booqday xabsi ku yaala magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya isagoo si hoose uga shaqaynayey qaabka lagu soo sii dayn lahaa balse markii dambe Ra’iisal wasaaraha cusub ee Itoobiya Aby Ahmed oo cafis u fidiyey.

C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) oo magaalada Nairobi kula hadlayey boqolaal shacab ah oo soo dhoweyn u sameeyey ayaa sheegay in Axmed Madoobe uu ka shaqeeyey hanaanka isaga lagu sii deyn lahaa uuna kaga mahad celinayo.
Madaxtooyada Jubbaland ayaa hadda qaban qaabinaysa hanaan uu Axmed Madoobe kula kulmayo C/kariim Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) oo hadda Nairobi ku sugan si dhab ah looma oga halka uu kulanka ka dhacayo.

Halkaan Ku Qor Fikirkaada