Boqortooyada Sucuudiga oo Marakab xoolo ah kusoo ceshay Magaalada Bosaaso

BOOSAASO(P-TIMES)-Boqortooyada  Sucuudiga ayaa soo celisay xoolo ka dhoofay Magaalada Bosaaso ee gobolka Bari waxaa xoolahaas Laga raray dekeda Bosaso Ganacsato kasoo jeeda Degaanada Puntland ayaa lahaa xoolahaas  .

Waxaa la sheegay in markabka magaciisa la yiraahdo Alafa Xoolaha uu sidayna ay gaarayeen 27000 Neef kuwaas oo ka dhoofay Magaalada Boosaaso.

Boqortooyada  Sucuudiga oo horay u xayiray  xoolaha  Soomaalida ayaa la sheegay inuu Xayiraadii ka qaaday xili dhow waxayna xoolahan lasoo celiyey ka mid ahaayeen kuwii ugu horeeyey ee ku  dhoofa fasaxa ay dalkaasi ku ogolaadeen inay xoolaha Soomaalidu dalka Sucuudiga ay iman karaan .

Xoolahan ayaa ahaa kuwo looga faaiidaysanayey xiliga xajka oo xoolo badan lagu gowraco muwsimka Xajka , lama garanayo sababta ka danbaysa soo celintaan xoolaha . Tankale lama oga xayiraada la qaaday inay ku ekatahay Xiliga xajka iyo in kale.

2 Comments

  1. qalaaye11 says:

    xoolaha waxaa dacwayasay dawlada farmaajo lakiin xolihii jamhuuriyada barakaysan ee Somaliland waa socdaan waxaa ila doraad ka dhofay dakada calamiga ee Barbara 250 kun oo naaf masha allaah

  2. Hussain says:

    Oo sowtaydin haddaydin somalia tihiin maantadaa taageerteen Saudi Arabia idonkoo la kala saftay Canada maxaa dhacay?.kkk

    MARKA KAFTANKA LAGA TAGO PUNTLAND AYAA U SABAB AH INAY QASAARAAN GANACSATADAA SOOMAALIYEED,WAAYO WAXAY DHOOFISAY XOOLO AANAY XAQIIJIN CAAFIMAADKOODA, WAANA SABABTA LOOSOO CELIYAY.
    BADOWNIMADA ISKA DAAYA OO FURTA MAXJARRO XOOLAHA CAAFIMAADKOODA LAGUSII BAADHO INTAAN LA DHOOFIN.
    MEESHU MA FAWDO DADKU INTAY XOOLO SOO URUURSADAAN IYAGU RARTAAN IYADOON LA XAQIIJIN CAAFIMAADKOODAA?.
    INKAAR BAYDIN QABTAANEE HAW SABAB NOQONINA IN SOOMAALIDAA NEEFKOODA KU NOOL MAR KALE LAGA JOOJIYO MARKA LA ARKO WAXAAD DHOOFINAYSAAN EE BUKA!!!!!!!.

    WAA MAHAD ALLE INAY SOOMAALIBA XOOLAHOODA KA DHOOFSANAYAAN DEKEDDA BERBERA EE QARANKA SOMALILAND MAASHA ALLAAAH.
    IDINNA ILAAHAY HAYDIN TUSO ILBAXNIMADA MA WAXAAD SAMAYN KARI WEYDEEN MAXJARO LAGU CAAFIMAADIYO XOOLAHA INTAANAY DHOOFIN OO KEENTAAN DHAKHAATIIR AJNABI AH OO AQOON U LEH CAAFIMAADKA XOOLAHA HADDAAN PL LAGA HELAYN DHAKHAATIIR TAKHASUSKAA LEH.
    LACAGNA WAA DOONAYSAAN HAABKEEDNA MA HAYSAAN ALLA KARIIM.
    @GANACSATADAA PL KHASAARISAY HA KEENAAN XOOLOHOODA BERBERA HALKAASAAN WAXBA KASOO NOQONAYN OO INTAAN LA DHOOFIN LA BAADHAYAA OO LA DAAWEYNAYAAYEE SIDA GANACSATO BADAN OO REER PL AHIBA U KEENAAN.

Leave a Comment