DAAWO: DF Soomaaliya oo Dhuuni-raacday, lana kala safatay Sacuudi Careebiya & Canada?

MUQDISHO(P-TIMES)- Sidda lagu cadeeyey warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibada ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in mawqifka dawladda Faderaalka ee xiisadda u dhaxaysa Sacuudi Careebiya & Canada ay Soomaaliya la safatay Dawladda Sacuudiga.

Warsaxafadeedka oo ku qornaa Afka Carabiga, waxaa lagu sheegay in ay Soomaaliya & Sacuudigu yihiin dad walaalo ah, isla markaasna waxaa la cambaareeyey talaabadii ay wasaaradda Arrimaha dibada ee Canada ku cambaareysay xaaladda Xaquuqda Aadanaha ee dalkaas.

Dawladda Soomaaliya waxay sheegtay in lagu xadgudubay madax banaanida Sacuudi Careebiya, ayna cambaareynayaan in Canada ay ku dhaqaaqdo talaabadaas, waxayna sheegeen in ay ka xun yihiin sidda ay Canada arrintaas faragalinta ugu sameysay.

Xukuumada Muqdisho waxay horey u cadeysay in ay dhexdhexaad ka tahay xiisad ka dhex kacday wadamada Khaliijka, laakiin ugu dambeyntii wey ka been sheegtay dawladda Faderaalka markii ay si toos ah ula safatay dawladda Qadar, ayna Muqdisha ka ceyrisay Imaaraatka Carabta.

HALKAN RIIX SI AAD U AKHRISATO GO’AANKA

2 Comments

  1. wadani says:

    mamul goboleed yada markey la safteen Emirete ka oo aan ognahy iney Somaliland dowlad madax banan. u aqonsantahay dhuni noqdeen madan oran lkn hada dowlad diidnimo ado ka duuli dowlada dhuni rac ku til maantay

  2. kheyre iyo farmaajo waa tuug tuug dhashay adiga iyo sacuudiga hadaad israacdaan wax aad ka qaadi kartaan canada majirto waa wadenka kaliga aan dhiigeyga u bixi nayo runta in la sheego wey fiican tahay….waa ninkii shalay buug ka qoray shacabka puntlandnaceebka uu u qabo shacabka aan ka dhashey waan la socdaa waayo puntland waa gob iyo shacabkeeda,,,carabku waa duli kuu heysto in aad ka hoosey sid…iska daa in aad madax ka noqoto dhulkeeda dhalasho hataa kuuma ogula,,,somalida ku dhalatay dhalasho ma heystaan…hadii aan nahnay shacabka u dhashay puntland waad aragtaa aduunka intiisa kale madex ama(leadership) baan ka noqonay…farmaajo nah muqdisho gurigiisa kama soo bixi karo…war talo aan kusii iska aamus 4 sano lacagta carabka ku siiyo iska guro adiga iyo kheyre,,,ku riyow in awooda puntland gacanta kuu soo gasho,,,via canada and puntland waligiin jira

Leave a Comment