DAAWO: Siyaasi Cabdi Faarax Juxa oo ku dhawaaqay in uu yahay musharax u tartamaya Madaxweyne-nimada Puntland

Siyaasi Cabdi Faarax Siciid Juxaa oo horey u soo noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dawladda Faderaalka & Wasiirka Waxbarashada ee Puntland ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay magaalada Garoowe in uu yahay musharax u taagan qabashada xilka Madaxweyne-nimada Puntland doorashada dhawaan kusoo fool leh mandiqadaas.

Munaasabad lagu qabtay magaalada Garoowe oo ay ka qeybgaleen Boqolaal qof ayaa laga soo jeediyey Khudbado kala duwan, waxaana madasha joogay qaar kamid ah siyaasiinta doorka weyn ku leh arrimaha hadda socda, gaar ahaana Cali Xaaji Warsame iyo Khaliif Ciise Mudan oo labaduba la filayo in ay tartanka soo galaan.

Khudbado kala duwan ayaa laga jeediyey madasha, kuwaas oo ku aadanaa qofka uu yahay Cabdi Faarax Siciid Juxaa, waxaana dadku ay aad ugu amaaneen shaqadii uu ka qabtay Wasaaradda Waxbarashada ee Puntland mudadii 5-ta sanno ahayd ee uu hayay, waxaana lagu amaanay in uu wax badan ka qabtay mandiqada dhanka Waxbarashada.

Cali Xaaji Warsame oo madasha ka hadlay ayaa baaqiisa mar kale ku celiyey ahaa in Madaxweyne Gaas looga baahan yahay in uusan doorashada waqtigeeda dib uga dhigin, kuna fakarin ee uu sumcad wanaagsan uga tago xilka.

Siyaasiin, Waxgarad, Culumo iyo qeybaha bulshada oo hadlay ayaa sheegay in musharaxnimada uu xiligan ku dhawaaqay Mr, Juxa ay tahay mid wanaagsan oo kusoo beegantay waqtigii loogu talo-galay, waxaana ay sheegeen in ay baahi weyn u qabeen.

Cabdi Faarax Siciid Juxaa oo ka hadlay madasha ayaa sheegay in uu wax badan ka qaban doono Puntland, wuxuu sheegay in uu abuuri doono Puntland ka duwan mida ay maanta tahay.

Madaxweynaha Puntland ee hadda waqtigu ka dhamaanayo ayuu ugu baaqay in uu doorashada waqtigeeda qabto oo uu magac wanaagsan uga tago bulshada, sidaas oo kale wuxuu sheegay in loo baahan yahay in wadajir looga gudbo xiliyada isbedelaya ee kala guurka.

Adeegyada Waxbarashada, Caafimadka, Ammaanka, Dhaqaale-xumida ayuu sheegay in uu isbedel mug-weyn ku sameyn doono, wuxuuna sheegay in hay’addaha sal adag loo dhisi doono, taas oo ka bilaabaynaysa in dadku ay helaan waxay ka sugayaan Puntlandta 20 sanno jirsatay.

Mr, Juxaa ayaa si kulul uga hadlay dagaalka Tukaraq, wuxuuna Muuse Biixi ku tilmaamay nin weyn oo qabqable dagaal ah isla markaana waxbadan ka yaqaan dagaal iyo qabqablenimo loona baahan yahay inuu garwaaqsado dhibaada taagan xilligaan.

Wuxuu ugu baaqay Muuse Biixi inuu ciidankiisa kala boxo gobolka Sool aysanna xabadi dan ugu jirin labada dhinac laakiin shacabka gobolka Sool ay yihiin dad reer Puntland ah.

 

 

One Comment

  1. Aad ban usoo dhoweynaa

Leave a Comment