DAAWO:Masuul fashilay cida ka dambaysa dagaalka Tukaraq & Qorshaha Muuse Biixi uu ka leeyahay + Bulshada deegaanada SSC oo laga farxiyey kadib markii uu sheegay…..

GAROOWE(P-TIMES)-Wasiirkii hore arrimaha gudaha ee dowladda federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa oo habeenkii xalay ahayd kaga dhawaaqay gudaha magaalada Garoowe ee caasimada Puntland musharaxinimadiisa xilka madaxtinimo ee Puntland ayaa daaha ka qaaday cidka ka dambaysa dagaalka Tukaraq ee gobolka Sool iyo qorshaha Muuse Biixi uu ka leeyahay dagaalkaasi, isagoona sheegay in Muuse Biixi uu yahay shakhsi qab qable ah isla markaasna uu kala baxo ciidamadiisa gobolka Sool.

RIIX HALKAN OO KA DAAWO MUUQAALKA

Mr. Juxa ayaa dhanka kale sheegay in xukuumaddiisu hadii uu ku guulaysto xilka madaxtinimada Puntland ay wax ka dhagaysan doonto bulshada kasoo jeeda deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn oo uu sheegay in cabashooyin badan ay ka tabanayaan Puntland isla mar ahaan taana loo baahan yahay in laga shaafiyo wax walba uu ku aadan arimaha la isku khilaafsan yahay.

 

4 Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan “DAAWO:Masuul fashilay cida ka dambaysa dagaalka Tukaraq & Qorshaha Muuse Biixi uu ka leeyahay + Bulshada deegaanada SSC oo laga farxiyey kadib markii uu sheegay…..

  1. Juxaa muxuu iska sharaxaa meesha waxba ma yaalaanee!!!!.
    SHACAB BAAXAD WEYN AYAAN LA IIBSAN KARIN,LKN SIDA LA OGYAHAY PUNTLAND SHACAB WAX DOORAN MAAYAAN EE WAXA WAX DOORANAYA ASHKHAAS KU MAGACAABAN BAARLAMAAN,TIRADOODUNA TAHAY 66 XUBNOOD OO FADLAN LACAG KU SHUBO AH,OO AAN U DANAYNAYN SHACABKA MASAAKIINTA AH EE U BAAHAN HOGGAAN WANAAGSAN.MARKA BIYO DHACA HADALKAYGU WAXA WEEYE SIDA LA DAREEMI KARO PUNTLAND WAXA KU GUULAYSANAYA XULISTA NINKA UGU LACAG BADAN TARTAMAYAASHA XAALKUNA WAXA WEEYE(NINKII LACAG LEH AYAA WEYN).MARKA HADDAANU GAAS ISKII U GO’AANSAN INAANU ISU SHARIXIN XILKA TEERAM LABAAD WAY ADAGTAHAY IN LAGA GUULAYSTO,HADDAANU IMAN NIN KA JEEB BUURAN OO KA LACAG BADAN HAYSTA.NIN SHAN SANO URUURSANAYAY WOXOOGAAGII YARAA EE SHACABKAOO HADDA DIYAAR AH WEEYE GAAS.@MIDDA KALE CIDDII AAN MAXAMUUD SALEEBAAN AHAYN MEESHA WAXBA UMA YAALLAAN EEYAANAY LUGOIN BAHASHU WAA HAKBAD AY KU KALTAMAAN MAXAMUUD SALEEBAAN,DOORKANNA WAXA LA FILAYAA INAY YEESHAAN CISMAAN MAXAMUUD.MARKA RAJO SAA AH IYO XAMAASAD TOONA MA LEH XULASHADA LA KALA XULANAYO ILMA MAXAMUUD SULAYMAAN.MA BEEN BAAN SHEEGAY REER PUNTLANDOW SOO SIDAA MAAHA WAXA AAD NOO XAYAYSIINAYSAAN.WAR ISKU XISHOODA OO BAHASHA ISKA QURXIYA OO FAHMA XATAA HADDAAD MAJEERTEEN DHEXDIISA CADDAALAD WAX U EG KA DHIGTAAN OO KALTANKA ADEERKIIN KUSOO DARTAAN AKA CALI SULAYMAAN AYAANAY WIXIINU AMMAAN HELAYN OO WAA XULASHO REER YAR OO HARTI KA MID AH AKA MAXAMED HARTI (MAJEERTEEN).SU’AASHU WAXA WEEYE AAWAY DADKII KALE EE PUNTLAND WAX KA DEGI JIRAY,MISE MEESHU WAA MAJEERTEENIYA WALIBA AANU CALI SALEEBAAN KU JIRIN??????.MARKA SIDAA LEEYAHAY HA KU FEKERIN LABADA REER EE HARTI EE SOMALILANDERKA AH (DHULBAHANTE IYO WARSANGELI),EE WAXAN KA HADLAYAA DADKA DEGA NUGAAL,BARI,HAAF MUDUG, SIDA TANADE,DASHIISHE,CARAB SAALAX I.W.M,MISE MA GAYAAN IYAGU?.

    Reply
  2. Waxa jidha ashkhaas gaas fan garaynayo oo uu sharaxay asagu si uu ugu khaldo bulshada iyo murashaxiinta daacadda ah,si ay hadhow ugu tanaasulaan wax kharash ahina kama baxaayo ee wuxu u ballan qaaday lacag xad lahayn iyo jago wasiirnimo.
    TALOW WAA KUWEE?????. PLTIMES NIMANKAA NOO RAADIYA OO SOO BANDHIGA HADDAAD TIHIIN WEB MADAX-BANNAAN.

    @@Dani hala doorto baan Ku talin anigu ama cali xaaji warsame,hana layska dhaafo waxakan xilka leh ee doorasho lagu sheegaayo.

    Reply
  3. Ninkaan juxa ha naga fariisto meel ayagu markoodii waa qaateen oo faroole ayay lahaayeen.
    Doorkaan waa markaanagii hadaan nahay cisman maxamuud.
    Waagii cadde muuse [AHN] ayaa noogu dambaysay xukunka.
    Ciise m hanoo joogaan ayaga maca casuumadii haystaan.

    Reply

Halkaan Ku Qor Fikirkaada