DAAWO:Qaar kamid ah Isimadda Beesha Dhulbahante oo ka hadlay arin laga wada filayey & Dagaal cusub “Somaliland Waxa Naga Dhaxeeya Waa Xabad Uun”

GAROOWE(P-TIMES)-Qaar kamid ah isimada ugu caansan deegaamada Puntland gaar ahaan gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa ka hadlay warar ka soo yeedhay Somaliland oo ku aadanaa in Puntland iyo Somaliland ay heshiis ka gaareen colaada deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool. HALKAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA

Isimada ayaa gaashaanka u daruuray wada xaajood kasta oo dhexmara Puntland iyo Somaliland inta ciidamada maamulka Somaliland ay ku sugan yihiin gudaha Puntland gaar ahaan deegaanada ay gacanta ku hayaan ee gobolka Sool.

Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo ah Garaadka ugu da’da weyn Beelaha Dhulbahante ayaa waxa uu si kulul uga hadlay qaraxii ka dhacay magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn oo uu ku eedeeyey maamulka Somaliland, wuxuuna tacsi u diray qoysaskii dadkooda ku waayey.

HALKAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA

Dhanka kalena Garaad Saleebaan ayaa sheegay in aysan jiri doonin wax gor gortan ama wada xaajood ah oo ay Somaliland la geli doonaan inta ay ciidankeedu joogaan ciida gobolka Sool xalka kaliya ee kalana uu yahay inay xabad kaga saaraan.

Garaadku wuxuu sheegay in haddii Puntland ay wada hadal lagasho Somaliland aysan aqbali doonin isla markaana ay beel ahaan ula dagaalami doonaan maamulka Soomaaliland, walow uusan meesha ka saarin balanqaadka ay ka haystaan madaxda Puntland.

One Comment

  1. will oog says:

    HADDII SIDA WEBSITEKAAN SHEEGAY AY RUN TAHAY IN GARAAD DA’ WEYNI HADALKAAN KU DHAWAAQEEY WAA NASIIB DARO..WAAYO ODAYAASHA DHAQANKA WAXAA LAGU YAQAANEEY INAY NABAD RAADIN KU DHINTAAN..NABAD DOONO AMA GARAADO XABAD IYO DAGAAL DADKOODA UGU BAAQAYA KUWAN KA HOR IN BADAN LAMA ARAG.

    WAXAAN UGU BAAQAYAA INAY PUNTLAND KU RAACAAN NABADDA AY QAADATEEY..IYO TAN SOMALILAND MADAXDEEDU INTAAS KU BAAQAYSO..XABAD IYO COLLAAD HORE AYAA WAX DHULBAHANTE QAAR KA MID AH AHI WAX UGU GAARI WAAYEEN..WAXAY KELIYA OO KA DHAXLEEN WAA BURBUR IYO DIB U DHAC AY DADKA KALE KA DAMBEEYAAN.

    TAN KALE GARAADKU, MIYUU IS YEELYEELAYAA..SOWKA OG IN GOBOLKA SOOL AANU ISAGU GARAAD U WADA AHAYN OO AANU AFKOODA KU WADA HADLI KARIN..ALLE DADKA CAQLI INTA KA DURUGSAN HA U SOO ROGO

Leave a Comment