M/weyne kuxigeenka Puntland oo si adag uga hadlay Kulamadii ugu dambeeyey ka Garoowe, loogana hadlay Tukaraq iyo dagaalka taagan.

GAROOWE(P-TIMES)- Madaxweyne kuxigeenka Puntland Eng CabdiXakiim Xaaji Cumar Camay ayaa sheegay in aysan wax badan kasoo bixin kulamadii ay la yeesheen Madaxda IGAD & UNSOM, isagoo sheegay in ay shaqadooda tahay in ay ka shaqeeyaan dadaalada nabadeed.

Madaxweyne kuxigeenka ayaa sheegay in go`aankoodu yahay in ay Puntland deegaanadeeda xukumayso, oo ay dib ugu soo celinayso gacanteeda, waxaana la weydiiyey ilaa hadda natiijada la gaaray, mana uusan cadeynin waxa la gaaray, balse wuxuu sheegay in uu Nasrigu imaan doono.

Eng, Camay oo ka soo jeeda gobalka Sool, wuxuu sheegay in aysan dagaalkan joojineyn oo Somaliland laga qabsan doono gobalka Sool.

Maalmihii u dambeeyey Puntland & Somaliland waxaa laga dhex-wadaa waan-waan nabad loogu raadinayo sidii uusan dagaal uga dhici laheyn gobalka Sool, waxaana ilaa hadda la rumeysan yahay in la gaaray talaabo wanaagsam.

Haddii Sool dib loogu soo celin waayo gacanta Puntland, wuxuu sheegay in Eedda ay dad badan qaadan doonaan.

2 Comments

  1. Saaddaq says:

    Cameey waa Ku fashilmay inuu kasbado tolkii,wax faaiido ahna uma haayo puntland asaga iyo odayaashan dhooban garoowe ee
    u bartay kuna mamay cunista dhaqaalaha yarka ah ee cashuur ahaan looga qaado reer puntland.
    Bal maxay kusoo kordhiyaan dhul udug aan khasaare ka ahayn.
    Puntland waxay Ku dhisantahay ummad wax isku darsatay ee iyagu maxay Ku darsadeen?.
    Dhulkoodii iidoor bay kula heshiiyeen markaasay puntland geliyeen dagaal aanan anigu fahnin ujeedada ay puntland ula dagaalayso Somaliland.
    <Waxay isku direen somaliland oo uu ka dhexeeyay ganacsi iyo walaalnimo.
    Ciddaan aaminaad ma laha ee dhulkooda ha aadaan illeen puntland dhulkooda ma xukuntee.

  2. ABDIWELI says:

    Hadii aad wax fahamin ama wax garanahayn sidaad qiratay maad iska aamustid oo wax garadka iyo indheer araga talo saaratid. Caqli caruurnimadii faroole halasoo shirtagin.

Leave a Comment